Garsoore Maxkamadeed Oo Lagu Dilay Boosaso

Koox dabley hubeysan ayaa ku dilay maanta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari mid kamid ahaa garsoorayaasha Maxkamadda racfaanka ee gobolka.

Dilka Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdinaasir Xaaji Aadan waxaa fuliyey sida ay goob-joogayaal sheegeen nin watay bastoolad meel aan ka fogey Isbitaalka Boosaaso, dhowr xabadood oo uu ku dhuftay ayuu u geeriyooday markii dhaawac ahaan loo geeyey Isbitaalka.

Lama oga garsoorahan sababta loo dilay iyo cidda dishayba, saraakiil u hadlay ciidamada amniga ayaa sheegay in ay soo qabteen qofkii dilkan geystay oo haatan xabsiga lagu hayo, su’aallana lagu weydiinayo.
Dilkan wuxuu qeyb ka yahay kuwa fara badan oo indhawaalaba ka dhacayey Boosaaso ilaa haddana aan wax dhab ah laga qaban.

Baargaal Media
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain