Police-ka magaalada California ee dalka mareykanka oo xiray nin qaaniinay Mas meel lagu xanaaneenayay.

Police-ka Magaalada California ee dalka mareykanka ayaa sheegay in ay xireen nin lagu eedeeyay in uu si ula kac ah u qaniinay mas la xanaaneenayay oo uu lahaa mid kamid ah asxaabtiisa.

Andrew Bietit  oo kamid ah saraakiisha Police-ka magaalada Caifornia ayaa sheegay in ninkan lagu magacaabo David Siinik oo 54 sano jir ah ay xireen kadib markii lagu soo eedeeyay dhibaateyn xayawaan aanan waxba galabsan.
David Siink oo u waramayay TV- laga leeyahay dalka mareykanka ayaa sheegay  in uusan ka warheyn xilliga uu qaniinayay maska, waxa uu siiraaciyay in uu ka shaleynayo qaniinyada uu u geystay maska oo sababtay in xabsiga la dhigo.

Mar la weydiiyay in uu ku dhaqaaqo arrintan layaabka leh ee ah in uu qaniin Mas ayaa waxa uu ku jawaabay in uu aad u cabay qamriga islamarkaana uu noqday sida qof waalan kadib markii uu arkay maskana uu qaniinyo ku bilaabay iyadoo maska uu laba meel ka dhaawacmay.

Saraakiisha Police-ka waxa ay sheegeen in ninkan lagu qaadayo dambiga uu galay kadib markii la helay laba marqaati oo mid ay dumar tahay oo cadeynaya falka uu ninkaasi geystay .

Afhayeen u hadlay Police-ka California ayaa sheegay in aysan jirin wax cadeyn ah oo muujinaya in ninku uu is difaacayay xilliga uu maska qaniinayay balse maska oo meel jooga uu inta u tagay kadibna laba meel ka qaniinay.Maska oo dhererkiisu yahay saddex ilaa afar feet ayaa la sheegay in uu kasoo gabsanayay qaliin lagu sameynayay.

Dad badan uu ku nool dunida saddexaad ama dunida soo koreysa ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay arrinkan iyagoo sheegay in ay arki jireen mas wax qaniinaya balse ay la fajaceen markii ay maqleen qisadan ah in maska la qaniinay oo uu ninka wax qaniinay mida ay ku tilmaameen in ay lasiiyaabeen ayaa ah ninkii geystay falka oo laxiray, qaar badan oo comments  ama jawaab celin ka bixinayay qoraalka qisadan ayaa tilmaamay in maalin walba dalalka ay ku nool yihiin wax qaniinyo ka weyn loo geysto dadka islamarkaana aanay jirin cid xirta oo maxkamad la tiigsata qaarkood iyagoo qoslaya ayaa waxa ay yiraahdeen waa arrin xiiso leh islamarkaana qosol badan.

Shabakada Baargaal.net
Codka Degaanka Calbari
Developed by Jago Desain