September 23, 2011

Suugaanta dumarka W/Q Abw. Siciid Saalax Axmed

SHARE
Odhaahda Tifaftirka: Qoraalkan maansada Haweenka oo ah maqaal qiimo weyn leh si wacana u koobaya qaybaha suugaanta iyo doorka haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin, ayaa uu Abwaan Siciid Saalax ka jeediyay shir (Buraanbur Conference) ay soo qabanqaabisay Rugta isu soo dhaweynta xidhiidhka bulshada, kaasi oo lagaga hadlayay suugaanta haweenka . WardheerNews waxay u mahad naqaysaa Rugta isu soo dhaweynta xidhiidhka bulshada oo noo suurta gelisay in aan la wadaagno akhristayaasha maqaalkan qiimaha leh.
____________
1. Arar
Ummad waliba erey bixinta afkeeda iyo meelaha ay baaxadu ka muuqato ayaa laga gartaa fekerka ama waxa ku weyn ee ay rumaysantahay.
    1. Dadyowga Af-Soomaaliga ku hadlaa, ereyga “Af” waxa uu u leeyahay astaan hadal ee u ma aha adeeg cunid keli ah. “ Af ” waxa loo bixiyey dhigga Luqo. Marka luqo adduun Af-Soomaali lagu magcaabayo, waxa la isku daraa magaca dadka afkaa ku hadla iyo ereyga af. Sida qofku afka uu ku hadlo u yaqaan ama uu aqoonta ugu adeegto ayaa erey bixin gaar ah leh ayna ka mid yihiin:
      1. Af-yahan
      2. Af-maal
      3. Af-miishaar/yaanbo
      4. Af-garooc
          2. Af- Soomaaligu waa af da’ weyn abtirsina la leh afaf dhigiisa ah oo uu la hal      
              Maalo.

Maanta gorfeytu ama danteenu ma aha Afka Soomaaliga ee waa Suugaanta Af-soomaaliga, gaar ahaan Maansada Haweenka.

         3. Suugaan, erey ahaan maxaa ay salka ku haysaa?
      1. Suugaan roob
      2. Suugaan biya dhig roob ah
      3. Suugaan deegaan ama naq biya dhigga ka haray iyo
      4. Suugaan Farsamo ama mid falsamo
Intuba waa sooc wax tar leh oo ka haray ama ku lammaanan waxa weyn oo dheef ah. Markaa suugaanta afkuna waxay noqon kartaa xulka quruxda iyo murtida afkastaba oo lagu tebiyo tix iyo tiraab mid kastaba.

Haddii aad maqashay “suugaani hadal ma aha” malaha macnuhu waa hadal caadi ah ka muc iyo mug weyn.
  1. Qaybaha Suugaanta
Maansadu waa laan ka mid ah laamaha suugaanta ee keligeed suugaantu ma aha.
Barbardhig erey bixinta afafka kale ee aad ku taqaan af  iyo suugaan. Tarjumidda  Af-ingiriisiga (Poetry) Gabay ma aha ee maansaa ah (ama waa “verse” maansadu), gabayguna waa fir maansada ka mid ah.

Maansadu mucda iyo murtida waa la wadaagtaa suugaanta kale, waxaase u gaarah laba sowrac oo kala ah:
    - Sargooyada isu dheelitirka oo loo bixiyey miisaanka maansada
    - Cod ama xaraf raaca oo loo bixiyey qaafiyadda maansada.

Qaybaha maansada qof ba in buu ka magcaabi karaa. Degaanba qaar baa mid ku qaalib ah, qaybana waa loo wada badanyahay. Qaybaha maansada waxa ka mid ah:

1-Maansooyin heesa carruureed.
2- Jiifto.
3- Maansooyin heeso duleed,
4- Heeso hawleed ama heesojabaq.
5- Geeraar,
6- Heeso dhallaan.
7- Masafo.
8- Halanhal,
9- Guux,
10-Saar,
11-Baar cadde,
12-Ballooley iyo
13-Maanyo.

1. Maansa Carruureed da’ yarta u gaar ah dhererkeeda ama tirade allanadeeda, ereyo qaarkood ku xusan iyo habdhacyadeeda waxyaabo ka mid ah marka la eego, waxa ka muuqda qaarkood fac weyni aad ah. Haddaba curinta maansooyinkan ma carruurtaa is ka leh oo ay ku koobantahay?

Jawaabtu waa laga yaabee! Haddii ay cidi ku weheliso waa haweenka; hooyadii dhashay, walaalo iyo xiggta haween oo kale ayaa uu suura gelin kara. Maansooyinka carrurtu mar hddii ay la saan qaado tan haweenka wax yar baan dul joogsanaynaa.

Maansooyinkaa carrurtu keli ma taagna ee waxyaala kale ayey mar walba ku dhafan yihiin sida:
a) Ciyaar Carruureed, tusaale; Biitoy Biitoy
b) Sheeka xareerada sida tan lagu furo mar walba ee Sheekoy Sheeko….  iyo kuwo sheekada ku dhex jira sda, Nin yaroo nin weyn diley ma aragteen, Dabagaale geel wda ma aragteen. Ama Maroodi Cadhoole….hadii col la sheego hashii cosob waa tan
c) Maweelooyin kale kuwa ku lamaan tan Toodhada…Ku cayaarsiinta ilmaha 
tukow qaaqle ciddii meeday cal bari qabatay.
Shalay reerkayagu guur, Haaweyee, guuryoo galbeed qabay haawiyee
 (jiifto lagu daray erey bursiino)
Gorayadaa geel baa la moodaa, waa runtaayoo waa la moodaa. Waxa ay la miinsan tahay Geel jirow dhugufow dhegeeyso dhuusa haanduulow dhegeyso2. Maansooyinka u gaar ah haweenka An wax yar iyaga ku tiigaalo:

a) Maansooyinka ku dhafan hawlaha haweenka u gaarka ah; sida :
- Heesa hawleedyada, meesinada xoolaha ay iyagu gaar ahaan u raacaan, Ariga
   Riyo iyo Idaba, Maqasha gaar ahaan Naylo edge ama qalwo lagu xeraynayo.
- Heesa hawleedyada farsamooyinka ama qabyada gaarka uh sida kebedda,
      cawska, falkinta cawda, alloolka iwm
- Hees hawleedka haanta ama dhitada lagu lulo
b) Heesta dhallaanka haweenku ugu heesaan, ma mid hawleed baa, mise maaweelo  
   mise labadaba ka muc weyn oo waa barbaarin, wax barid, koolkoolin,  
    laxaweed dareen jacayl ah, duco iyo hagar sheegasho.

3. Maansooyinka ciyaaraha haweenka u gaarka ah sida:
         a) Tan gelbiska gabadha galabtii lagu soo gelbiyo oo la miisaan ah tan kebeda.
         b) Buraanburka oo haddii uu ku bilawday gelbiska ka sii balaartay oo sida      
            maasooyinka kale oo tooska loo tebiyo lagu gudbiyo fekrado bulsho, falsafad,
            waaya sheeg, qoys dhis, siyaasad……… Tusaalooyin;
            dhudaha buraanburka iyo allanada uu ku tirsamo fiiri:

           Calanka Soomaaliyoodow cirshiga ka nuur.
             1 1   1    2     2  1   2   1  .   1    1  1  1    2 =17     11+6=17
          Haddii ad dheregto ayaamaad dhacarataa
              1   2 1     1 1  1 .1  2     2       1  1  1  2=17            7+10=17

          Dhalaal yibaluhu naftaaduu dhaawacaa
            1   2   1   1 1 1 .   1  2    2       2    1   2=17          7+10=17
Gabaygu waxa uu kaga duwan yahay miisaanka isna allanadiisa u fiirso:
Hooyaala hooyaalayeey, hoyaalayey hooye.
   2   2  1   2    2  1   2  .   1    2  1  1     2  1=20        12+8=20
Haween baa adduunyada wax tara, hooyga nololeeda
   1   2       2  1    2    1  1    1    1 1 .   2    1   1 1   2  1=21     13+8=21
Maasooyinku ma kala mudna ee dhudaha, tuducyada iyo allanada ama hababka maanso ayey ku kala duwanyihiin, waxbaa lagu wada tebiyaa. Deelqaafka maansona midina daw uma laha. Xeerarka miisaanka iyo qaafiyyadda midna lagama cafiyin.

Buraanburku waa la xeer maansooyinka kale. Halabuurba awoodeedey hadashaa oo qaafiyadda qaladaa ama toosisaa. In taa la jidayo dhaliil bay maansadaa u keenaysaa. Maansooyinka kale marbaa curiyuhu maanso jacbur ah u badheedhaa, sida gabay jacburkii ahaa mid taariikh dhow oo maad ahaan muddo gaaban saddex halabuur ku caan baxeen iyo ciddi kale oo ku dayatay.

Luqadaha kale maansa furan heer ah waa gaadheen sida carabida iyo ingiriisiguba. Af-Soomaaliga isku daygii Cabdisalaan Xaaji Aadan(Alla ha u naxariistee) oo doorashooyinkii lixdanaadkii saaxiibkii dacaayadaynayey, baa yiri:

Muusaa isku deyey siyaasad
Markaasuu tegey kudaafad
Wuxuu ka qaatay daasad
Wuxuu isla taagey daarad
Waxaa loogu ridey quddaarad. ..
     
Maansa kale oo haweenka u gooni ah oo mudnaan gaar ah leh baa jirta oo xusid mudan. Waxaa taa loo kala yaqaan magacyada:
Giish.
Sitaad.
Abaaya Sitey,
Madiix…..

Magacyadaasu xaggee bay salka ku kala hayaan macna ahaan?

Giishku waa maansa diineed! Sidee baa suura gal ah in uu ku bilaabmay?
Tusaale Giish:
Alla mulkow Maaligow murgtirow Illaah
1   1    1   1        2 1 1        1    1 1    1  2=14
…. Oo maalinta lays xisaabaayo noo xil qari
       2     2   1  1   1      1  2  2   1    2    1    1 1=18-2=16
… Oo maalinta bacadka kulul biya qabow na sii
      2      2  1  1   1  1   1   1 1    1 1    1 1      1   2=18      
Ninba wuxu maleegaayo inuu mulkiyo
  1   1    1  1    1  2   2   1 1   2    1   1  1=16
Midigta loo saaro miimkey ku duugantahay
   1 1  1   2    2  1     2      2     1   2   1   1  1=18

Haweenku ma gabyaan is weydiin hadda taagan ma aha!
Waxaana barbartaal raggu ma buraanburaa?
Waxaana hubaal ah qofkii nooc maansa ah curin karaa midda kalena waa curinkara. Ujeedadu waa haweenku waa gabyaa horena waa u gabyeen, rag buraanburayna la sheeg.
Tusaale:
     dhudaha buraaburka iyo allanada uu ku tirsamo fiiri:
           Calanka Soomaaliyoodow cirshiga ka nuur.
             1 1   1    2     2  1   2   1  .   1    1  1  1    2 =17       11+6=17
          Haddii ad deregto ayaamaad dhacarataa
              1   2 1     1 1  1 .1  2     2       1  1  1  2=17            7+10=17

          Dhalaal yibaluhu naftaaduu dhaawacaa
            1   2   1   1 1 1 .   1  2    2       2    1   2=17            7+10=17
Gabaygu wuxu kaga duwan yahay miisaanka isna allanadiisa u fiirso:
Hooyaala hooyaalayeey, hoyaalayey hooye.
     2   2  1   2    2  1   2  .   1    2  1  1     2  1=20                 12+8=20
Haween baa adduunyada wax tara, hooyga nololeeda
   1   2       2  1    2    1  1    1    1 1 .   2    1   1 1   2  1=21   13+8=21
Intee isu jiraan buraan burka iyo gabaygu:

Calanka Soomaaliyeedow cirshiga ka nuur       Buraanbur
  1 1    1    2     2  1  2   1    ( 1    1  1   1   2=6    
Calanka soomaaliyeedow adaan kuu calaacalayey
  1  1   1    2    2  1  2    1   ( 1  2      2    1  2   1 1 1=11Abwaan Siciid Saalax Axmed

------------------------
Qoraalkan waxaa uu abwaan Siciid Saalax kaga qayb galay shir lagaga hadlayay Suugaanta dumarka oo ay soo qaban qaabisay Rugta isu soo dhaweynta xidhiidhka bulshada. Xuquuqda qoraalkan waxa iska leh The Center for Bridging Communities.
SHARE

Author: verified_user