Wasiirka Hormarinta Iyo Iskaashiga Ee Sweden Oo Muqdisho Booqatay

Wasiirka Hormarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Sweden Gunilla Carlsson ayaa booqatay magaalada Muqdisho, waxaana ay la kulantey dadka abaaruhu saameeyeen, sidoo kale waxay la kulantey raysalwasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga ee Soomaaliya, iyo qaar kamid ah golaha wasiirada.

Gunilla Carlsson ayaa sheegtay in booqashada lagu yimaado Muqdisho ay qayb katahay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada halkaas ka taagan, amni xumo ayaa dalka ka jirta meelo badan oo Soomaaliya ka mid ahna lama tegi karo, waxaana qaybahaas joogo kuwo badan oo u baahan taageero.
Weriye ka tirsan Raadiyaha dalka Sweden ayaa weydiiyey wasiirka waxa ay tarayso dadka dhibaatadu hayso in wasiiradu safar ugu yimaadaan, waxaana Gunnila ugu jawaabtey
- Waxa wax qaban karaa waa lacag iyo in dagaalada la joojiyo, si dadku u helaan nolol dhaanta midda hadda ay ku jiraan.
Wasiirka Hormarinta iyo Iskaashiga dalka Sweden ayaa sheegtay in Adduunku ka jawaabey dhibta ka taagan Soomaaliya laakiin jawaabtu ay tahay mid si tartiib ah ku socota loona baahan yahay in la dardargeliyo.
- Dhibaatada aan halkan ku aragney waa mid weyn, hooyo ilmaheedi yaraa weydey wax ay siiso kadib markii ay naasaheeda caano ka weydey, tabar dari haysa awogeed ayaan kula kulmey xerooyinka ayey tiri Gunnila.


Gunnilla Carlsson ayaa kulan la qaadatay raysalwasaare kuxigeenka ahna wasiirka ganacsiga, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen, kulankaas ayey sheegtey in ay ka wada hadleen xaaladda dadka abaaruhu saameeyeen, isbedalka Dawladda sidii loo heli lahaa dawlad dimoqraadi ah, isla markaana lagu kalsoonaan karo.
Dalka Sweden ayaa kamid ah dalalka deeqaha ugu badan siiya dalka Soomaaliya, Wasiirka Hormarinta iyo Iskaashiga dalka Sweden ayaa noqoneysa wasiirkii u horeeyey ee ka socda dalka Sweden muddo 20 sano ah ee booqda Muqdisho.
Horey waxaa u soo booqdey Muqdisho, Madaxweynaha dalka Jabuuti, raysalwasaaraha Turkiga, Wasiirka Hormarinta Caalamiga ah ee Dalka Britain, Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Iran iyo Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah ee Spian iyo madax kale oo badan oo ka socota beesha caalamka kuwaas oo doonaya in ay Soomaaliya wax kala qabtaan macaluusha haleeshay dad badan oo ku noolaa Koonfurta kadib markii abaaro ba’an ay halkaas soo mareen 12 bilood ee u danbeeyey.





Developed by Jago Desain