Sharci Caalamiya Oo Lagula Tacaalayo Dhibaatada Burcad-badeeda

Kulan uu Isniinti isugu yimaadeen magaalada New York Golaha Amaanka ee Qarama Midoobay ayey ku codsadeen in la sameeyo sharciyo caalami ah oo ay dalalka aduunyada isaga kaashan doonaan sidi loogu ciqaabi lahaa burcad badeeda Soomaalida.

Qaraar aanan wali la magacaabin oo ay wada gaareen 15-ka xubnood ee joogtada ah ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhiiri geliyey dhamaan dalalka caalamka in ay sameeyaan qodobo ka mid ah shuruuc gaar ah oo lagu maxkamadeyn doono laguna ciqaabayo burcad badeeda si loo yareeyo dinbiyada ay ka galayaan caalamka, iyadoo la waafajinayo Sharciyada Caalamiga ah.

Waxay carabka ku adkeeyeen in loo baahayahay iskaashi dhex maro dalalka caalamka iyo hey’adaha caalamiga si loo ogaado kuwa ku lugta leh iyo kuwa loogaga shakiyo danbiyada burcad badeednimada.

Golaha ayaa sheegay in ku guul dareysiga in maxkamad lasoo taago kuwa ku lugta leh ama mas,uulka ka ah danbiyada burcad badeednimada in ay sii sii dhiiri gelineyso burcad badeeda iyo in yareyneyso dadaalka howlgalka caalamiga ah ee ka dhan ah burcad badeedka.

Qaraarka ayaa sidoo kale codsanayo baahida loo qabo in aas aaso maxkamad gaar ah u ah burcad badeedka oo laga hir geliyo dalka Soomaaliya, iyo dalalka gobolka Geeska Africa, isaga oo ka codsaday Hey’ada Qaramada Midoobe u qaabilsan Daroogada iyo Danbiyada ee loo yaqaano (UNODC) iyo hey’ada (UNDP) in ay kala tashato dalalka nooca iskaashiga caalamiga ah iyo ka qeybgal ee loo baahanyahay in lagu dhiso maxkamadaasi.

Shabakada Baargaal.net
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain