Wasaaradaha beeraha ee TFG-da iyo Puntland oo heshiis kala saxiixday

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho wasiirka beeraha Dowlada FKMG Soomaaliya iyo wasiirka beeraha Puntland ayey ku kala saxiixdeen heshiis ku saabsan horumarinta dhinaca beeraha.
Heshiiska oo ka koobnaa afar qodob oo muhiim ahaa ayaa waxaa saxaafada u aqriyey C/laahi Xaaji Xasan oo ah wasiirka beeraha, xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa dowlada KMG Soomaalia.
Qodobada ay kala saxiixdeen labada wasaaradood oo ah kuwo iskaashi dhinaca horumarinta beeraha ah ayaa kala ah.
1- In labada wasaaradood iska kaashanadaan la xisaabtanka hey’adaha deeqaha bixia ee ka shaqeeyo arimaha beeraha ee ka howlgalo Soomaalia.
2- In labada wasaaradood ay yeeshaan kulamo joogta ah si loo dar dar geliyo habsami u socodka shaqooyinka wasaaradaha.
3- In wasaaradaha ay is dhaafsadaan wixi macluumaad ah oo la xiriira dhanka beeraha.
4- In labada wasaaradood ay yeeshaan wada rashi joogta ah sida safarada shirarka caalamiga ah ee dhanka beera.
Maalmahan ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku sugnaa wasiirka wasaarada beeraha ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Eng. Saalx.
Soomaaliya oo ah dal ku wanaagsan beerista iyo daaqa isla markaana leh wabiyo ayaanan ka faa,ideeysaan qeyraadka uu Alle ku manneystay, waxaana hada uu la halgamayaa mid ka mid ah abaarihi ugu xumaa mudo 60 sana ah ka dhaco Geeska Africa.

Shabakada Baargaal.Net
Developed by Jago Desain