Aadan Barakaat oo ahaa Madaxa Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee Magaladda Baydhabo, oo la dilay

Sheekh Aadan Barakaat oo ahaa Madaxa Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee Magaladda Baydhabo, isla-markaana ahaa shakhsi ka madax banaanaa dhinacyada isu haaya gacan ku heynta dalka ayaa maanta lagu diley magaalada Baydhabo.

Rag hubeysan oo aan heybtooda la’aqoonsan ayaa waxay dil bareer ah ay u geysteen Allaha u naxariistee Sheekh Aadan Barakaat, iyadoo dilkiisa si weyn looga hadal-haayo qeybo ka mid ah dalka.

Raggaan oo bistoolado ku hubeysnaa ayaa waxay garaaceen taleefanka gacanta ee Sheekh Aadan Barakaat, waxayna ugu baaqeyn in uu dibadda u soo baxo xilli uu goobtiisa shaqada uu ku sugnaa, hase yeeshee markii uu dibadda u soo baxay ayaa la-sheegay inay sidaasi ku toogteen.

Durbaba waxay isaga baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen raggaasi oo an heybtooda la’aqoonsan, inkastoo lagu tuhmaayo dhinacyada kale ee ka soo horjeeda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, inay falkaasi geysteen.

Sheekh Aadan Barakaat ayaa wuxuu ahaan jiray Madaxa Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee Magaladda Baydhabo, isla-markaana wuxuu ahaa shakhsi ka madax banaanaa dhinacyada isu haaya gacan ku heynta dalka.

Laakiin ma-cadda baahid keentay in rag hubeysan ay hoygiisa ku dhex toogtaan Sheekh Aadan Barakaat, waxayna tani dhalisay inay si weyn u hadal-hayaan shacabaka ku dhaqan Magaaladda Baydhabo iyo magaalooyinka kale ee ku yaalla Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.

Iyadoo xalayna magaalada Baydhabo lagu diley Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheikh Aadan Madoobe, nin ay isku hooyo ahaayeen oo 33 jir ah kana ahaa Motoristaha Shirkada Isgaarsiinta ee Hormuud ee Baydhabo Oo lagu magacaabi jirey ALLAHA u naxariister ENG. Macalin Nuur Maxamed.

wariyaal ku sugan Magaaladda Baydhabo ayaa ku soo waramayaa in Ciidamadda Dowladda ay taggeen meeshii Sheikh Aadan Barakaat lagu diley, ka gadaal markii rag hubeysan ay halkaasi ku dilleen, balse wuxuu soo sheegayaa inaysan cidina u soo qaban.

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain