Madaxweynihii hore ee soomali c/laahi yusuf axmed oo ku gooryooday isbitaal kuyaal Abu Dhabi

Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee soomaaliya c/laahi yuusuf axmed ayaa saaka ku geeryooday isbitaal kuyaala magaalada abu Dhabi ee dalka isutaga imaaraatka carabta (U.A.E) .
Madaxweyne c/laahi yuusuf axmed ayaa mudooyinkii danbe la il darnaa xanuun waxaana lagu dawyaynayey isbitaalka Saayid Military hospitaal ee dalkaasi imaaraatka carabta

kahor inta uusan geeryoon. Wiil uu adaeer u yahay madaxweyanaha c/rishiid shire yuusuf kana mid ahaa eheladii la joogtay isbitaalka ayaa xaqii jiyay dhimashada madaxweynaha.

Madaxweyne c/laahi yuusuf allaha u naxariistee ayaa waxaa uu ahaa madaxweynihii hore ee soomaaliya ahaana asaasayaashii dawalda Puntland.
C/laahi yuusuf ayaa xilka dawalda federalka soomaaliya dhigay sanadkii 2008 bishii December wuxuuna ahaa marka uu dhimanayey 78 Jir. Wuxuuna ifka ka tagay c/laahi yuusuf axmed Xaas iyo labo caruur ah,

Waxaana geerida madaxweynaha dhammaan ka naxay ummada soomaaliyeed meel walba ay joogaan tasina waxay abuurtay in dareen muruga leh ka muujiyaan. C/laahi yuusu ayaa ahaa siyaasi mug iyo miisaan culus ku lahaa siyaasada soomaaliyaa waxaana madaxweyne c/laahi yuuusuf ahaa madaxweyne ay dadka soomaaliyeed badankoodu jeclaayeen.

Madaxweyne c/laahi yuusuf ayaa lagu xasuustaa g’aan adkaan iyo isagoo jeclaa in soomaali israacdo sidoo kale madaxweynaha ayaa lagu xasuustaa in uusan ahayn Madaxweyne lacag jecel islamarkaana jecel danaha soomaaliyeed. Ugu dambayntii latashiyo ayaa imink ehelada marxuumka uga socda dalkaasi imaaraatka carata taasi oo ku aadan meeshii lagu aasi lahaa marxuum c/laahi yuusuf axmed allaha u naxariistee.

Haddaba waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa taariikh nololeedkii Marxuumka oo kooban laga soo bilaabo 1934-kii illaa 2012.
- Cabdullaahi Yuusuf Axmed wuxuu ku dhashay Tuulada Birta Dheer ee u dhow magaalada Garoowe una jir wax ka yar 20km , 15-kii Disembar sanadkii 1934.
- Cabdullaahi wuxuu ku biiraya ciidamadii Talyaaniga sanadkii 1950-kii xilligaasi oo uu wadanku ku jiray gumeysi wuxuuna halkaasi ku heley derejada xidigle ciidamada gumeysiga.
- Markii la sameeyey dawladii ugu horeysay ee Soomaaliya wuxuu ka mid noqday ciidamadii militariga ee qaranka Soomaaliya. Wuxuuna ka mid noqday saraakiishii ka qeybqaadatay dagaaladii Soomaaliya iyo Ethiopia dhexmaray 1964-kii iyo 1977 dii halkaasoo dalacsiin uu ku muteystay.
- C/laahi wuxuu ka mud noqday koox saraakiishii ciidamada oo ka hortimid xukunkii Maxamed Siyaad Barre, waxayna u baxsadeen Ethiopia, iyagoo Sanadkii 1978-kii aas aasay Jabhadii ugu horeysay ee mucaarad ah SSDF (Jabhadda Dimuqraadoga ee Badbaadinta Somaaliya).
- C/laahi waxaa sanado ka dib xiray dawladii Ethiopia oo uu u xirnaa ku dhowaad 6 sano. Waxaana la soo siidaayey 1991-kii isagoo dib ugu laabtay deegaankiisa Puntland halkaasoo uu ka bilaabay olole siyaasadeed.
- Horraantii 1990-meeyadii ayaa caafimaad loogu qaaday wadanka Ingiriiska, waxaana markii dambe qaliin lagu sameeyey looga bedelay beerkiisa kaasoo ay ku baxday lacag kor u dhaaeysay $100,000 doolar. C/laahi mar uu ka sheekeeyey wuxuu sheegay in beer 20-jir ah loo geliyey. Laakiin sanad kasta labo jeer ayuu tegi jiray dhakhtarkiisa gaarka ah.
- Sanadkii 1998 wuxuu noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee Maamulka Puntland ee lagu dhisay shirkii Garowe.
- Sanadkii 2002 wuxuu dagaal la galay madaxweynihii ay baarlamaanka Puntland doorteen ee Jaamac Cali Jaamac isagoo markii dambana dadaal weyn u galay inuu la heshiiyo, wuxuuna xukunka ku wareejiyay Gen Cadde Muuse Xersi.
- Sanadkii 2003 wuxuu ka mid ahaa dadkii sida weyn ugu ololeeyey shirkii Eldoret Kenya ee looga hadlayey talada siyaasada Soomaaliya. Waxaana 10-kii October 2004 Magaalada Nairobi loogu doortay madaxweynaha DFJKMG ah oo ahayd markii ugu horeysay oo nidaam federaal ah Soomaaliya loo sameeyo.
- 18-kii September 2006 ayaa C/laahi Yuusuf uu ka badbaaday weerar isqarxin ah oo baabuur loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Baydhabo. Waxaa weerarkaasi ku geeriyooday afar ruux oo uu ku jiro walaalkii C/salaam Yuusuf Axmed iyadoo ciidankiisu ay dileen lix ruux oo uu ku sheegay inay ahaayeen al Qaacida. Weerarkaasi waxaa lagu eedeeyey ururkii Maxkamadaha Islaamiga oo iyaguna iska beeniyey.
- 29-kii Disembar 2008 markii khilaafaadyo waaweyn ay ka dhex abuurmeen C/laahi Yuusuf iyo dawladiisa raggii ugu sareeyey wuxuu ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna warqadii iscasilaada ka hor akhriyey baarlamaanka KMG oo joogay Baydhabo xilligaasi.
- Tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu xukunka ka degey wuxuu ku noolaa magaalada Sanca ee wadanka Yemen halkaasoo magangelyo siyaasadeed uu ku siiyey ninka ay saaxiibka ahaayeen ee Cali Cabdalla Saalax.
- C/laahi Yuusuf wuxuu dhowaan shaaciyey buug uu qoray oo lagu magacaabo “HALGAN IYO HAGARDAAMO” kaasoo uu kaga hadlay taariikh nololeedkiisa siyaasada iyo tii miyiga.

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain