March 04, 2012

Puntland Taladii Lagu Dhisaa ka weyn!

SHARE
Taladii lagu dhisay Puntland ayaa kawayn. iyo Puntland taladii lagu dhisaa kawayn, kan labaad ayaan doortay anigu waase jiri karaan dadka ku xeel dheer iyagu afka somaliga inay la qumanaan lahayd midkale ama mida horeba.

waxaan qormadaan uga hadli doonaa sheeko ama dhacdo ka dhacday deegaanada hada puntland looyaqaan Dawladuna kadhisan tahay sabankan aynu joogno.

Waxaan ku bilaabayaa Eebe Wayne Magicii Naxariis iyo Nabadgalyo Nabi Mohamed CSW korkiisa Ha ahaato intaaa kagadaal.

Hordhac:

Taladii lagu dhisay Puntland ayaa kawayn. iyo Puntland taladii lagu dhisaa kawayn, kan labaad ayaan doortay anigu waase jiri karaan dadka ku xeel dheer iyagu afka somaliga inay la qumanaan lahayd midkale ama mida horeba.

waxaan qormadaan uga hadli doonaa sheeko ama dhacdo ka dhacday deegaanada hada puntland looyaqaan Dawladuna kadhisan tahay sabankan aynu joogno.

waxaan ka hadli doonaa waxay wadaagaan labada saban ee kala ah kansheekadu inoo sheegtay iyo kaynu joogno, waxaan kaloo xusi doonaa shacabkii markaa dhulkaan daganaa iyagu iyo shacabka maanta dagan deegaanadii, walaw ay oodu tiitahay, abkuna kii yahay laakiin farqiga yaala aan ka eegi doono.

Arar.

Hashii garawo ninkii lahaa waw halqab saday wax badan mid aan kasoo qaado.

Badda jeexayaa iyo birriga jaanta mariyaaba, walee geel jeclaantaan u qabo, waw jirrabi ruuxa. (Aniguse waxaan oran walee Puntland jeclaantaan u qabo waw jirabi ruuxa).

Taladii lagu dhisay Puntland.

Inta aanan u guda galin kunsano iyo siyaado aysoo jiren dadka deegaanada puntland dagaa kuna abtirsada, aan ku hor maro Taladii taariikhda gashay ee lagu baraaray laguna diirsaday ee lagu yagleelay Dawlada soomaaliyeed ee Puntland, run ahaanti waxay ahay talo soo jireen ah oo dadka deegaanadaasi lahaayeen mudo dheer, sida dadka waxka qoray puntland ay sheegaan waqtigii Faraaciinta inay jireen dadkani iyo dalkani Ab iyo isirka wadaaga, waxaa jirta sheeko dunida caan ka ah oo qoraagii sheekadan lahaa ugu magac daray (Mallaaxul Qariiq) waxaa qoray nin raga ka agdhaw Boqor Dawladihii Faraacin la oran jiray ee facawaynaa mudada badana masar ka talinayay mid kamid ah, waxaa sheekada ku jirtay marka in abeeso uu kula kulmay jaziirad ay had yad usoo siisay wax yaabihii Puntland ku caanka ahayd ee uduga ahaa FOOXA, MAYDIGA IWM, ayna usheegtay abeesadu in wax yaabaha udgooni dhulka puntland hodan ku yahay, hadase shidaal ayaaba kasoo burqanaya oo foox wayba dhaaftay sheekadu, laakiin wali ujeedkii qaraal ma aynaan gaarin ee hasaluugin.

Talo iyo Taalo.

Waxaa deegaanada puntland caan ku ahaayeen (Taalo) taalooyinkaas waxaa lagu maa muusi jiray sadex dhacdo oo midiba, muhiim keeda leedahay. Laba kamid ah taaloyinkaas waxay ahaayeen Xabaalo ama Qubuuro laakiin ay kala du wanaayeen maa muusidoodu, oo midi waxay ahayd mid lagu aaso madaxda oo qalabkooda wata, Halka mida kale xabaal ahayd laakiin waxaa jiray taalo sadexaad oo iyadu Dunida aynu maanta joogno dadka kunooli aanay waxba ka ogayn, inta ogina aanay dadka usheegin ama aanay ku faanin waayo Dimuqraadiyad ayaa laynaku wareeriyay, lana doonayo in layna baro inaan si cod bixina udoo rano madaxdeena, Kawaran adiga Reer Puntland ama Somaliga ah inaadan ogayn amaba aadan ku baraarug sanayn awoowa yaashaa Dimuqraadiyadii ay sameeyeen Dunida kale oo Dhurwaaya ah.

Taalada sadexaad (Dhiido iyo Waraab).

Taaladan sadexaad waxay ku caan baxday Doorasho cod loo qaaday Laba nin oo ilama adeer ahaa oo madax nimada isku qabsaday, Run ahaantii waxaa aad ii cajabiyay sida dhalin yaradayadu ay umoogtahay Taariikhdooda iyo awoowa yaashood Duni waxay dhaxal usiiyeen ee ahaa dhaqan wanaagsan, Waxaa iyana nasiib daro ah Madaxdeenu inaysan ahayn Sida Dhiido iyo Waraab, waxaa kaloo aan iyaguna ahayn Shacabkii dhulkaa dagi jiray ee geesiyada ahaa, Casharka dunida udhigay lakiin wiilashoodu door bideen inay baal maraan oo maalinba ninka meesha jooga isagu ay garabka siiyaan, Dhiido iyo Waraab waa hal tusaale oo kamid awoowayaasheen siday Dimuqraadiyad u sameeyeen taasaana ah mida run ta ah,

Waxa lagusoo xuli jiray ama lagu kala saari jiray ragu markay isku qabtaan xukunkasidan.

1-waxaa lagu tartan siin jiray noocyada hogaaminta Bulshada, siloogu kala saaro.
 2-waxaa lagu kala saari jiray Deeqdooda wax bixineed.
 3- waxaa loosoo bandhigi jiray markay arin culisi dhacdo midba siduu umaareeyo.

4- midan afraad oo ah iyadu mida aan ujeedka Qoraalba u qoray aan eegno awoowe yaasheen inay lahaayeen Ceebta aynu caadaysanay ee ah nin jeclaysiga, Waxaa loo guda gali jiray in lagu kala saaro iyadoo la eegayo kartida qof ahaaneed, Xoogooda Dooda, Dulqaadka iyo Xeelada, labadii markaa iyagu intaa ku kala hari waayaa waxay ahay Doorasho!! Doorashooy side tahay, Saw tan hada layna barayo maaha, sawtan xisbiyo samaysta laynaku Cadaadinayo maaha, Sawtan magaca loo bixiyay dhaxalkii awoowa yaasheen ee laynaku yiri maaha Dimuqraadiyad! Tartankii Doorasho ayaa bilaam may hada, ugu horay waxaa la sameeyay gudi u dhexeeya labada nin ee kala ah Dhiido iyo Waraab oo iyagu ku tar tamayay boqor nimada uu ka tagay adeer kood aan caruur dhalin.

Gudigii loo yagleelay doorashada Dhiido iyo Waraab waxaay soo saareen go’aan ah A iyo B:

(A) waxay yiraahden waa in nin walbaa uu keeno Biciid badqaba( loola jeedo badqaba aan dhaawac soo gaarin geesana jabin) Dhiido iyo Waraab labadiiba ragoodii ololaha doorashada la waday ayay talo galiyeen waxayna usheegeen arinkii, waxaa dhacday labadii xisbiba inay ku guulaysteen inay keenaan Biciidkii oo badqaba waxaana ilaa iminka la yiraah daa meeshii lasaaray ama buurtii lasaaray Biciid lasaar.

(B) waxaa bilaabmay wareegii labaad ee Doorashada waxay soo saareed Gudigii Doorashadu arintii Taariikhiga ahayd oo ah in cod loo qaado Doorashada, Akhristaw awoowahaa kunsano Boqolaalsano ka hor ayuu cod ku kalasaaray ragii xilka isku hayay, Inagana nin jeclaysi aynan dhaxal ulahayn ayaan ku daalnay, Doorasho haloo dareero ayay Go’aamiyeen Gudigii waxayna udhacday sidan, waxay yiraahdeen maalin hebla halaysugu yimaado meesha noo caas ah, markii goobtii laysugu yimidna waxay ushegeen dadkii laka taageen sanaa Dhiido iyo Waraab inay dhagax ruuraan ama tuumiyaan, markay tuureen dhagixii ayaa waxaa waynaatay oo buur wayn noqotay Dhiido midiisii halkaas ayaana lagu caloomo raasay walina loo yaqaan buurihii Dhiido iyo Waraab maalinkaas ayayna Taariikhda iyo magacuba raacay buuraha, waana cod bixintii waa gaac ay dhaxalka inooku reebeen Awoowa yaasheen laakiin Reer Galbeed intuu qaatay maanta doorasho sameeya layna leeyahay waana ayaan daro, waxaa kale oo iyana xusid mudan inaysan dhicin Tii ka dhacday Alxamdullilaah iyo Dhuudo oo aanay jirin Nin jeclaysi ee lagu kala saaray waxaad aragtay.

waxaan kusoo xirayaa qoraalkan Taariikhiga ah inaysan dhicin Tii Alxamdullilaah Iyo Dhuudo oo kale, waxaase muuqata saan santeeda awoowa yaasheena sidaas ayay wax umaareeyeen Dunidana cashar bareen.

wixii aan khalday waxaan ka dalbanayaa cafis, wixii sixid ah Emailkaas kusoo dir.
Waxaan kasoo xigtay sheekada Dhiido iyo Waraab iyo sheekooyin kale Buug uu Qoray.
Qoraaga wayn: Khaalid Cali-Guul Warsame ( Sheekoba sheekay keentaa ) buuga magaciisa.

Wabilaahi tawfiiq
mahadsanidiin

Jaabir Xuseen Gacayte
Email. Yaarabi-janah@hotmail.om
Facebook: Jaber Gaeyte.
SHARE

Author: verified_user