xaalada ka taagan magaalada Baargaal oo saamayn wayn ku yeelatay ganacsiga iyo noloshii shacabka

waxaa wali muuqanaaya raadadkii ay ka tageen xaaladihii mudooyinkaan danbe ka aloosnaa Degmada Baargaal iyo degaanada ku hareeraysan ,waxaa badanaa la xiray goobihii Ganacsiga , Maqaaxiyihii cuntada iyo Shaaha iyo gooba kale oo ganasi oo ay ku noolaayeen dad badan oo kamid ah dadka ku nool magaalada baargaal ee gobolka Bari,

Xaaladan oo Mudo sanad ku dhawaad ah ka taagan degaanka ayaa cuuryaamisay noloshii iyo ganacsigii dadka rayidka ah mana jiraan ilo ay dadku ka helaan nolol maalmeedka.

“Waxaa kala go,ay Baabuurtii Khudaarta ,ma jiraan dad wax naga iibsada ,ganacsigeenu waxaa uu noqday mid gaabis ah waxaana taasi ugu wacan ,waxaanan jiran waxsoosaar saxiimadihii bada ka shaqayn jiray iyo abaaro ba'an ”sidaana waxaa Shabakada Baargaal u sheegtay mid kamid ah haweenka ka ganacsada khudaarta degmada Baargaal.

Badi Dadka Shaqada u yimaaday Degmada baargaal ayaa isaga tagay oo meelo kale shaqo u doontay magaalooyin kale

Waxa kale oo arinta sii murgiyay Hawlihii Ha'adaha samafalka oo yaraaday cabsi qayb badan oo katirsan ha'adaas ay ka qabaan degaanka kadib dilkii loogu gaystay alaha u naxariistee xildhibaan bile maxamuud Yuusuf , Lamana qiyaasi karo dhibaatada ay shacabku qabaan


Shabakada BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka degaanada Calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain