April 02, 2012

Daryeelka caafimaadka xoolaha :Cudurada Geela ku dhaca iyo sida ay kala yihiin

SHARE

Furuqa Geelu wuxuu ka mid yahay cudurada sida ugu dhakhsaha ama degdegta badan u fida ama ugu baaha geela.Habka ugu muhiimsan ee xooluhu isugu gudbiyaan cudurkani waa kan tooska ah ; markii neef ama geel buka iyo qaar fayow is dhex galaan oo istaabtaan cudurkeenihiina isaga gudbo. Waxaa kale oo cudurkeenuhu ugu kala gudbi karaa si aan toos ahayn markii walax sadeexaad u kala qaado.Marka neefka jidhkiisa cudurkeenuhu galo iyo inta ay ka muuqanayaan astaamaha u horeeya ee cudurka oo ah mudada loo yaqaan incubation period waxay dhan tahay 10 ila 15 maalmood Furuqu wuxuu ku dhacaa geela da’kasta wuxuuse aad wax u yeela da’yarta ama aaranka (3 jirka iyo inta ka yar).
Dadku wuxuu ka qaadi karaa cudurkan markii ay taabtaan neef buka,

Astaamha / Calaamadah Cudurka,

Cudurka Furuqa Geela astaamaha lagu garto waxaa ka mid ah :
Dhogor madoobad ama gan-gan ku jabsan neefka (cadar) 

  1. Daaqa oo uu yareeyo
  2. Xumad ama qandho sare
  3. Finan ka soo baxa korka neefka
  4. Finanka oo biyo ama dheecan yeesha
  5. Finankaas oo dilaaca ama burura
  6. Finankii dilaacay oo nabaro noqda
  7. Nabaradaas oo caabuqa ama qolofaysta
Finanka furuqu waxay ka soo bixi karaan ama ka soo yaacaan neefka korkiisa oo dhan waxayse u badan yihiin madaxa.Furuqu wuxuu aad wax u yeela geela da’da yar kuwaas oo ay dhici karto in dhimashadu gaadho boqolkii shan (5%) ama ilaa boqolkiiba soddon (30%) Markay finanku madaxa ka soo baxaan siiba agagaarka afka iyo indhaha waxay keeni karaan madaxa oo barara iyo indho-beel,

Daaweynta iyo ka hortagga:

Maadama keenaha cudurkani yahay Fiirus (Virus) malaha daawo u gaar ah.Nabarada ka soo baxa neefka buka markii jeermiska Baakteeriyadu gasho oo ay caabuqaan ama suulaan waxaa lagu daweyn karaa daawooyinka loo yaqaan Antibiotiga Soomaali badanina u taqaan OKSta sida Oxytetracycline ha ahaato mid lagu buufiyo nabarada ama mid lagu mudo neefka.Furuqa neefka ka bogsoodey wuxuu u yeesha adkaysan ama wuu talaal qaataa mar kalena kuma dhaco. Nirgaha yar-yari waxay dambarka hooyada ka heli karaan walax talaal ama adkaysan u siin kara cudurka furuqa.Si loo xakameeyo ama looga hortago Furuqa Geela waxaa loo baahan yahay in la fuliyo talaabooyinka soo socda :

  1. Maamulka iyo dhakhaatiirta xoolaha oo la wargelyo
  2. Isu socodka xoolaha oo la xayiro ama si cilmiyaysan loo maamulo
  3. Xoolaha buka oo laga sooco inta kale lagana ilaaliyo.


Qaaradan Afrika ma jiro talaal loo isticmaalo Furuqa Geela, waxaase jirta in wadankii la odhanjirey Midowga Soofiyeeti uu samaynjirey talaal Furuga Geela loo isticmaalo Markii neef furuq ku dhacay ka bogsoodo cudeurkaas, nabaradii uu ka tegey waxay noqdaan kuwo aan bi’in kana muuqda korka neefkaas inta uu noolyahay,
Furuqa Geelu wuxuu keeni karaa dhibaato weyn oo dhaqaale, taas oo ka kooban ; dhimasho uu geela qaar laayo, cadka iyo caanha geela oo yaraada iyo suuqgeynta (gudaha iyo dibeddaba) oo xanibanta.

Cudurada u eg Furuqa:

Waxaa jira cudur ku dhaca geela oo aad ugu eg furuq loona baahanyahay in la kala garto. Cudurkaas waxaa afka qalaad lagu yiraahdaa Contagious ecthyma ama Orf Soomaaliduna waxay u taqaan magacyo badan oo kala duwan oo ay ka mid yihiin ; Afruur,Canfaruur iyo kuwo kale.Afruur waxaa keena fiirus ay isu dhow yihiin kan keena furuqa geela wuxuuna ku dhacaa badanaa nirgaha ama aaranka jiry 3 sanno iyo ka yar,

Qaybta Labaad:

SAMBABKA RIYAHA: 

Afka Ingriisiga waxaa lagu yiraahdaa ‘Contagious Caprine Pleuropneumonia (CCPP) Cudurka, Cudurka Sambabka Riyaha meelaha ay Soomaalida xoolo-dhaqatada ahi degto waxaa looga yaqaan magacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin :Riinweyne, Haarweyne iyo Gees-dhowr,Magacyadaasi mid kastaaba wuxuu sifaynayaa ama tilmaamayaa astaamaha ay dadku ku arkeen neefka cudurkani ku dhaco ama hadba xoolaha nooca uu saameeyo; Riinweyne iyo Haarweyne oo macnahoodu isku dhow yahay waxay tilmaamayaan taah ama jibaad muujinaya in neefku aanu si caadi ah u neefsan karin oo dhibaato jirto.Gees-dhowr macnihiisu waxaa weeye cudurkan wuxuu eegtaa geeska riyaha oo keliya laakiin kuma dhaco idaha ay xerada ku wadajiran.Magaca Sambab laftiisu wuxuu sheegayaa in cudurkaasi saameeyo sambabada neefka uu ku dhaco.

Cudur Keenaha iyo Isugudbinta:

Cudurka Sambabka Riyaha waxaa keena nooc ka mid ah nafleyda yar-yar ee loo yaqaan Bakteriyada qayb ka mid ah.Habka isugudbintu ama sida ay xooluhu isu qaadsiiyaan badanaaba waa mid toos ah ;
markii neefka buka neeftiisu ama dheecaanada habka neefsigu (duufka /qufaca) gaadhaan kan fayow ama neefka caafimaadka qaba.Sida magaciisu sheegayo cudurkani wuxuu ku dhacaa oo gaar u yahay riyaha ama ari cadka Cudurkan Sambabku deg-deg ayuu ugu fidaa ama ugu faafaa riyaha, meelaha aanu muddo ka dhicina wuxuu saamayn karaa oo ku dhicikaraa 100% (boqolkiiba boqol) riyaha,waxaana dhimashadu gaadhi kartaa ilaa 70% (boqolkiiba todobaatan), laakiin meelaha guriga u ah cudurkan ee uu sida joogtada ah uga dhaco dhimashada uu sababaa intaas way ka yartahay.

Astaamha / Calaamadaha Cudurka
Cudurkan wuxuu u soo ifbaxaa laba nooc, kuwaas oo kala ah nooc kedis ah iyo nooc jiitama oo neefka muddo haya.Nooca kediska ahi ma leh astaamo muuqda oo lagu garto, neefka uu ku dhacana si kedis ah ayuu u dilaa ; ilaa 24 saacadood gudahood. Noocan waxaa lagu arkaa meelaha uu cudurku muddo badan ka maqnaa ama ay markaas ugu horayso.Noociisa jiitama ama mudaada haya neefka ayaa lagu arkaa astaamaha ama tilmaamaha cudurkan lagu yaqaan. Waxaana ka mid ah :

* Dhogor madoobaad (cadar)
* Qandho ama xumad sare
* Duuf
* Qufac joogto ah
* Neef qabatow
* Hiinraag ama taah
* Caatow iyo caano yareyn
* Neefsiga oo deg-deg noqda
* Lugaha hore oo uu kala fidiyo
* Socodka oo dhiba neefka,

Markii la qalo neef u dhintay cudurkan isbeddelka lagu arko waxaa ka mid ah :D heecaan ka buuxa hunguriga cad, midkood ama labada qaybood ee sambabada oo midabku isbeddeley oo casaan noqday, sambabada buka oo bararay una eg wax leh furuuruc ama kuus-kuus, markii la jeexo sambabada buka oo loogu tago malax, xumbo (abur) ama dheecaan midabka huruuda leh. Mar-mar sambabku wuxuu ku dhegaa feedhaha, qanjidhada sableyda way wada bararaan.In kastoo cudurkani leeyahay calaamado caan ah hadana si loo xaqiijiyo waa in shaybaar lagu hubiyo.Meelaha laga ogaado in cudurkani xoolaha ku jiro waxaa ka mid ah kawaanada haddii sambabada riyaha la baadho.Cudurkan wuxuu badanaa xoolaha ku dhacaa xiliga roobabka ama qabowga iyo dhaxantu jira,

Baahsanaanta Cudurka:

Cudurka Sambabka Riyuhu wuxuu ka dhacaa gobolkan Geeska Afrika ee Soomaalidu degto oo dhan iyo meelo badan oo ka mid ah adduun weynaha.

Daaweynta iyo ka Hortagga:

Maadaama cudurka Sambabka ay keento Bakteriya, daaweyntiisa waxaa loo isticmaali karaa noocyada daawooyinka ee loo yaqaan ‘Antibiotiga’ ama Bakteriya dilayaasha ay xoolodhaqatadu u taqaan oksta, kuwaas oo ay ka mid yihiin Tetracycline iyo Tylosin.Neefka uu ku dhaco Sambabku waxaa ku haboon in la daaweeyo marka cudurku ku cusubyahay.Sambabka Riyuhu wuxuu leeyahy Talaal lagaga hortegi karo cudurka,

Isticmaal Xumida Daawada iyo Cawaaqibkeeda:

Xoolo dhaqatada Soomaaliyeed qaarkood daaweynta Sambabka waxay u isticmaalaan noocyada dawooyinka ee loo yaqaan Kaabsulka sida kan Tetracyclinta iyo kuwo la nooc ah,kaabsulka oo qiimihiisu yar yahay ayay iibsadaan, waxay kala fujiyaan ama kala siibaan qolofta labada midab leh ee daboolka ah, daawada dhexda ku jrta ee budada ah ayay weel ku shubaan oo biyo ku qasaan. Intay siriinge ku qaadaan ayay neefka kaga mudaan feedhaha dhexdooda.Isticmaalka Kaabsulka waxaa ka imaan kara dhibaatooyin badan sababaha soo socdo dartood :
* Kaabsul waa daawo dad ee maaha mid xoolaad,
* Kaabsulka waxaa loogu tala galay in afka laga liqo oo keli ah ee duriin looguma tala gelin.
* Daawada budada ah ee ku jirta Kaabsulka biyaha kuma qasanto meesha lagu mudo(duro) ayay fadhiisataa oo maal ama nabar weyn oo bararan ku noqotaa
Maadaama uu Kaabsulku yahay antibiotic oo ay qaraabo yihiin daawada loo isticmaalo cudurkan, wuxuu neefku u ekaadaa sidii wax bogsoodey, hase yeeshee muddo yar ka dib cudurkii ayaa ku soo noqda taasi waxay sababi karta in Jeermigii ama Bakteeriyadii keentay cudurku adkaysi u yeelato dawadii loogu tala galay ama ay la qabsato oo ay waxba ka tari weydo.

Saamaynta Dhaqaale ee Cudurka:

Sambabka Riyuhu wuxuu ka mid yahay cudurada sida weyn u waxyeeleeya dhaqaala xoolo-dhaqatada isag oo sababa ; dhimisho xoolaad, dhicis, cad iyo caano yaraan, kharash daawo iyo talaal oo la galo, ganacsiga xoolaha (gudaha iyo dibeddaba) oo dhaawacma.

Xakamynta iyo Dabargoynta:

Si loo hakiyo ama loo joojiyo fidista cudurkan arrimaha laga doonayo xoolo-dhaqatada waxaa ka mid ah :
* Xoolaha buka iyo kuwa fayow oo la kala soocoo ama la kala saaro,
* Dhakhaatiirta xoolaha, maamulka deegaanka iyo Wasaaradda Xoolaha oo si deg-deg ah loo wargeliyo.
* Isu socodka xoolaha oo la hakiyo,
* Riyaha fayow oo la talaalo,

Qaybta 3aad:

HARGABKA SHIMBIRAHA,

“Waa cudur halis “”a Marku cudurkani dilaaco waxaa maamulka laga rabaa inuu qaado talaabooyinka soo socda:
  1. Shimbiraha kujira xerada cudurku ka dilaacay iyo inta u dhow oo dhan oo la laayo bakhtigoodana la gubo,
  2. In la xayiro gaadiidka u kala socda xeryaha digaaga iyo magaalooyinka.
  3. In la joojiyo ganacsiga digaaga iyo oontiisaba ee gudaha.
  4. Haddii cudurkani ka dilaaco dal kale waa in la joojiyo ganacsiga digaaga iyo oontiisa dalkaas lala leeyahay.
  5. Dadka halista ugu jira cudurkan.
  6. Dadka ka shaqeeya ama xanaaneeya shimbiro fiirus-kaani ku dhacay.
  7. Dadka caadaystey in ay cunaan hilibka,ukunta iyo dhiiga shimbiraha buka oo aan si wanaagsan loo Karin.
  8. Dadka ku nool bey’ad ama deegaan caafimaad xumo iyo cabida biyo aan nadiif ahayn.
  9. Halista cudurkani ku yahay Geeska Afrika.

Sababaha cudurkan Hargabka shimbiruhu khatarta ugu hay deegan Soomaalida waxaa ka mid ah:
Cudurkani wuxuu muddo yar ku fiday wadamo badan oo adduunka ah isaga oo isaga soo gudbey qaaradaha Asia, Europe iyo Afrika.
Dhul deegaaneedka Soomaalida kama jiraan daryeel caafimad mid dad iyo mid duunyo toona oo tayo leh.
Waxa geeska Afrika dul mara shimbiro tiro badan oo ah kuwa u kala gudba qaarada (migratory birds). Waxaana jira meelo cayiman oo ay shimbirahaasi ku soo degaan si ay ugu nastaan.
Waxaa jira tiro badan oo digaag ah oo guryaha lagu haysto miyiga iyo magaaladaba kuwaas oo xidhiidh dow la leh dadka dhaqda oo ay meel ku wada nool yihiin.
Waxaa jira baliyo biyo fadhiya ku jiraan oo badan halkaas oo ay ku noolyihiin shimbiro duurjoog ah oo tiro badan oo ay isasoo gaadhaan ama isku darmaan digaaga la dhaqdo.
Waxaa dhowaan (2006) la xaqiijiyey oo lagu arkay dalka Jabuuti qof iyo digaaga cudurkani ku dhacay.

Dhibaatada Dhaqaale:

Cudurkan Hargabka Shimbiruhu wuxuu geystaa dhibaato dhaqaale oo aad u weyn maadaama meesha uu ka dilaaco wixii digaag ah ama shimbiraha kale ee la dhaqdo ah ee ku nool la laayo si cudurka loo dabar gooyo.

Qaybta 4aad:

DHUKAANKA GEELA
(CAMEL TRYPANOSOMOSIS)

BAAHSANAANTA IYO NOOCYADA CUDURKA,

Waxaa jira laba nooc oo ah cudurka Dhukaanka geela:
Nooc uu keeno Gendigu
Nooca ay keenaan qaniinka kale siiba dhuugu.
Nooca Gendigu keeno waxaa loo yaqaan Gandi ama Salaaf waxaana uu u badanayahay meelaha Gendiga leh ee agagaarka labada webi ee Shabeelle iyo Jubba.Nooca ay keenaan qaniinka kale oo ay kamid yihiin noocyada faraha badan ee dhuuga wuxuu ku baahsanayahay dhulka intiisa badan meelkasta oo leh deegaan ku haboon in dhuugu ka dhasho xiliyada roobka.Cudurka Dhukaanku waa cudurka ugu muhiimsan kuwa geela ku dhacawuxuuna keenaa khasaaraha dhaqaale ee ugu badan isaga oo hoos u dhiga manaafacaadka iyo wax soo saarka geela sida; caanaha, hilibka,awooda shaqo ee neefka, qiimaha neefka iyo wixii la mid ah.

KEENAHA CUDURKA

Dhukaanka Geela waxaa keena ili-ma-aragtay yar-yar oo ah hal unug oo loo yaqaan Trypanosoma kuwaas oo ku noolaad dhiiga neefka iyo uurku-jirta qaarkeed sida beerka (eeg sawirka hoose).

ISUGUDBINTA CUDURKA.

Cudurkan waxaa gudbiya dukhsiyada dhiiga xoolaha jaqa qaarkood kuwaas oo noocyo badan leh magacyo badana loo yaqaan sida; Dhuug,Baal, Riibi, Cad-cade, Qamandhadh, Boqondhaw iwm Habka cudurkeenuhu ugu kala gudbiyo xoolaha waxaa weeyey iyada oo qaniinkani markii ay neef cudurkan qaba iyaga oo dhiig ka nuugaya uu neefku iska eryo oo ay mid kale oo caafimaad qaba u boodaan si ay u
dhamaystirtaan dhiig jaqistii markaasna ay ku mudaan cudurkeenihii neefkii caafimaadka qabey.

ASTAAMA/ CALAAMADAHA LAGU GARTO DHUKAANKA GEELA.

Astaamaha lagu garto cudurkan waxaa ka mid ah:
  1. Cadar ama gan-gan ku jabsan neefka
  2. Qanjidhada oo barara
  3. Xumad sare oo soo noq-noqota
  4. Daaq yaraysi
  5. Dhoqor madoobaad
  6. Ilmayn ama ilin
  7. Irmaanka oo caana yareeya
  8. Rimayda ama uurayda oo dhicisa
  9. Timaha dabada ama saynta oo daata/ go’da
  10. Neefka iyo kaadidiisa oo ur gaar ah yeesha
  11. Neefka oo aad u caatooba
  12. Dhiig yari (xuubabka axal-layda oo cadaada)

Waxaa jira nooc dhukaanka geelaha ah oo si kadis ah geela u dila una eg cudurka loo yaqaan Kudka.
Ka Hortegista Cudurkan.
Xoolo-dhaqatadu siyaabaha ay uga taxadiraan in cudurkani ku dhaco geelooda waxaa ka mid ah:
Xoolaha oo ay ka ilaaliyaan ama ka celiyaan dhulka qaniinka leh.
Neefka u buka cudurkan oo geela laga dhex saaro oo gooni loo daajiyo loona xereeyo.
Xooluhu intay xerada ku jiraan oo loo shido qiiq qaniinka ka erya.
Xoolaha oo habeenkii la miro ama la daajiyo marka dhaq-dhaqaaqa qaniinku yaraado.

Daaweynta Cudurka Dhukaanka iyo Isticmaalka Daawooyinka.

Cudurkani wuxuu leeyahay daawooyin u gaar ah oo loogu talagalay in lagu daaweeyo neefka qaba ama looga hortago intaanu ku dhicin geela marka horeba.Daawooyinka leh awooda daaweynta iyo ka hortegista labadaba waxaa ka mid ah kuwa la yiraahdo Triquin iyo Samorin. Daawooyinka loogu tala galay daaweynta neefka buka oo keliyana waxaa ka mid ah tan la yiraahdo Cymelarsan.Daawo kastaa waxay leedahay hab loo isticmaalo, kaas oo qoraalkiisu la socdo daawada waxaana loo baahanyahay in si fiican loo akhriyo qoraalkaas oo loo fahmo intaan la isticmaalin. Daawo waxay waxtari kartaa markii loo isticmaalo sidii loogu tala galay, haddii aan taas la yeelin waxaa dhici karta inay dhibaato u keento neefkii la daaweyn lahaa.Mar haddii qofka xoolo-dhaqatada ahi aanu akhriyi Karin qoraalka la socda daawada, waxaa loo baahnayahy inay la kaashadaan xirfadlayaasha cilmiga xoolaha ee ugu dhaw deegaanka ay ku suganyihiin kalana tashadaan sidii ay daawooyinka u isticmaali lahaayeen.

Hubinta Cudurka (Diagnosis)

Astaamaha ama calaamada ku qoran kor oo aynu ku tilmaanay in lagu garto cudurkan waxaa la wadaagi kara cuduro kale oo dhawr ah sidaas darteed waxaa muhiim ah in shaybaar lagu hubiyo iyada oo neefka
dhiigiisa la baadhayo.

Qaybta 5aad,

SAMBABKA LO’DA

Afka Ingriisiga waxaa lagu yiraahdaa ‘Contagious Bovine Pleuro-pneumonia (CBPP)
Cudurka Sambabka Lo’da waxaa keena nooc ka mid ah Bakteeriyada kuwa loo yaqaan Mycoplasma. Wuxuu ka dhacaa meelo badan oo adduunka ah oo ay ka mid yihiin badiba qaaradda Afrika daafaheeda kala duwan oo ay ku jiraan dhulka Soomaalidu degto.Sambabka Lo’du wuxuu ku dhacaa lo’da la dhaqdo iyo duurjoogta la yiraahdo Lo’a Gisida.
Gudbinta iyo Saamaynta Cudurka.
Habka ugu muhiimsan ee xooluhu isugu gudbiyaan cudurkani waa kan tooska ah ; markii neefka buka neeftiisa ama dheecaamadiisa mid ka mid ahi ay gaadhaan neefka fayow ama caafimaadka qaba cudurkeenihiina u gudbo. Waxaa jirta oo kale in qaar ka mid ah neefafkii ka bogsoodey cudurkani ay noqodaan kuwo sida ama xambaarsan cudurkeenihii muddo dheer,
marka dambena u gudbin karaan jeermigaas xoolo caafimaad qaba. Sida ay arrintani ku dhacdaa ama u suurta gashaana waa sidan : markii neefku ka soo bogsoonayo cudurka ayaa sambabadiisa nabaradii ku yaal ee cudurku keenay waxaa isku wareejiya xuub ama wax sidii qolof oo kale ah taas oo jeermigii cudurka keenayey ku xayirta ama ku xanibta goobtaas. Waxaa dhacda in muddo ka dib (12 bilood iyo ka badanba) xuubkii ku dahaadhnaa nabarkii dilaaco cudurkeenihiina banaanka u soo baxo isaga oo soo raacaya neefta ama dheecamada ka yimaada qaybaha neefsiga neefka (duufka, qufaca iwm). Xoolaha noocaas ah oo loo yaqaan cudur sidaha ayaa u sabab ah in cudurkani soo noq-noqdo Inkastoo cudurkan Sambabku uusan sida cudurada qaarkood de-deg u fidin, dhimashadaa uu sababaana aanay aad u badnayn, hadana wuxuu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan ee xoolaha wuxuuna keeni karaa dhibaato dhaqaale
oo ka timaada ; dheefta xoolaha oo lunta (cad iyo caano), dhimashada,dhicis, kharshka daaweynta iyo talaalka, iyo ganacsiga xoolaha oo uu aad u saameeyo.

Astaamha / Calaamadaha Cudurka.

Cudurka Sambabku wuxuu ku dhacaa oo saameeyaa qaybaha ama xubnaha neefka u qaabilsan neefsiga oo ay ugu horeeyaan sambabadu. Astaamaha lagu arko neefka cudurkani ku dhaco waxaa ka mid ah :

  1. Dhogor madoobad ama gan-gan ku jabsan neefka (cadar)
  2. Daaqa oo uu yareeyo
  3. Irmaanka oo caano yareeya
  4. Xumad ama qandho sare
  5. Rimayda oo dhicisa
  6. Qufac (engegan marka hore, marka dambese leh dheecaan)
  7. Neefsiga oo adkaada oo tiradiisuna korodho (inta jeer ee neefku neefsanayo daqiiqaddii)
  8. Taah iyo hiinraag
  9. Neefku wuxuu u jeestaa dhanka dabayshu ka soo dhacayso isagoo afka kala haya (fiiri sawirka)
  10. Labada adin ( jeeni) ee hore oo uu neefku kala fogeeyo markuu.


Markii la qalo neefka isbeddelka lagu arku waxaa ka mid ah :

* Guud ahaan neefku waa caato ama weyd
* Sambabada oo bararan midabkuna isbeddeley
* Dheecan sida malax ama abur ka buuxa ama lagu arko dhuumaha neefta
* Saableyda oo dheecaan ka buuxo
* Derbiyada kala qaybiyaha qolalka sambabada oo bararan
* Goobo ka mid ah sambabada oo buka oo xuub isku dahaadhay ama isku daboolay
* Qaybo sambabada ka mid ah oo feedhaha ku dheggan.

Waxaa kale oo isbeddel lagu arki karaa xubno kale oo aan ahayn kuwa neefsiga sida ; wadnaha iyo kelyaha.Isbeddelada lagu arki karo neefka hilbihiisa markii la qalo waxay ku xidhan
yihiin hadba heerka cudurku joogey ama mudada neefku bukey.

Daaweynta iyo ka hortagga.

Maadama keenaha cudurkani yahay Bakteeriya neefka buka waxaa lagu daaweyn karaa daawooyinka loo yaqaan Antibiotiga Soomaali badanina u taqaan OKSta sida Oxytetracycline iyo Tylosin. Waxaa muhiim ah in la xusuusnaado in neefkii la daweeyey bogsoon karo lakiin u hadana noqon karo mid sida ama mid ay sambabadiisa ku sugan yihiin jeermigii cudurka keenay
oo xoolaha kale khatar ku noqon kara mustaqbalka. Si loo xakameeyo ama looga hortago Sambabka Lo’da waxaa loo baahan yahay in la fuliyo talaabooyinka soo socda markii cudurkani dilaaco :
Maamulka iyo dhakhaatiirta xoolaha oo la wargelyo

Isu socodka xoolaha oo la xayiro ama si cilmiyaysan loo maamulo
Xoolaha buka oo laga sooco inta kale lagana ilaaliyo
Ganacsiga lo’da oo la hakiyo
Talaal lo’da la talaalo , marka hore laba jeer sannadkii inta ka
dambeysana sannadkii hal (1) mar.

Qaybta 6aad:

CABEEB
Afka Ingriisiga waxaan lagu yiraahdaa ‘Foot and Mouth Disease’ ama cudurka Afka iyo Qoobka ,Cudurka

Keenaha Cudurka:Cudurka Cabeebka waxaa keena oo sabab u ah nafley yar-yar oo aan indhuhu arki karin qalabka wax weyneeya la’aantiis oo ah kuwa loo yaqaan Fiiruska.Wuxuu u kala baxaa cudur keenuhu 7 nooc oo kala ah: O, A, C, SAT 1, SAT 2, SAT 3 iyo Asia
I. Noocyada kala duwan ee cudurkan Cabeebka qaarba waxay u yihiin gaar oo ka dhacaan qaaradaha qaarkood, waana sidan:

Nooca keenaha Qaaradda.
A, O, C Afrika, Asia, Urub,
Koonfur Amerika,
SAT 1 Afrika iyo Asia,
SAT 2, SAT3 Afrika,
Asia 1 Asia oo keliya,
Gobolka Geeska Afrika inta Soomaalidu degto noocyada laga helay waxay yihiin; O, A iyo SAT 2.
Baahsanaanta Cudurka.
Adduun weynaha cudurka Cabeebka waxaa ka nabad galay wadamo tiro yar oo keliya kuwaas oo aan weli lagu arag waxaana ka mid ah; New Zealand, Jabaan iyo wadamada Badhtamaha Qaaradda Koonfurta Ameerika qaarkood. Waxaa cudurkan lagu guuleystay in laga cidhibtiro wadamada ay ka mid yihiin, Australia, Canada (Kanada) iyo Maraykanka. Wadamada Qaaradda Urub (Europe) badidooda iyana waa laga cidhibtiray, inkastoo dhowaan dhowr jeer Cabeeb ka dilaacay dalka Boqortooyada Ingriiska (U.K.)
Xoolaha uu ku Dhaco.
Cudurka Cabeebku wuxuu ku dhacaa oo u nugul xoolaha nooca loo yaqaan qoobleyda ama kuwa leh labada raaf oo ay ugu horeeyaan lo’da, doofaarka iyo adhigu.Wuxuu ku dhaca ugaadh ama cidood badan oo ay ka mid yihiin goodirka iyo biciidku. Lo’gisida ayaa loo malaynayaa in ay nooc ka mid ah cudur keenaha Cabeebka kaydiso ama sidi karto muddo iyada oo aan wax astaamaha cudurka ah soo bixin ama muujin.
Isugudbinta Cudurka.
Cudurka Cabeebku wuxuu ka mid yahay cudurada xoolaha kuwa sida ugu dhakhsaha ama deg-degta badan ugu faafa ama ugu fida xoolaha. Cabeebka waxay xooluhu isugu gudbin karaan si toos ah iyo si dadban labadaba: Isugudbinta tooska ahi waxay dhacdaa markii xoolo jirran iyo kuwa fayow ama caafimaad qabaa isku soo dhowaadaan sida xerda dhexdeeda, darka ama kaalinta biyaha ay ka wada cabayaan, suuqyada xoolaha iwm.
Isugudbinta aan tooska ahayn waxay dhacdaa markii cudur keenaha loo kala qaado neef buka iyo kan fayow. Waxaa la xaqiijiyey in Fiiruska keena Cabeebka ay dabayshu qaadi karto masaafo ila 250 kilomitir ah, habkaasna cudurku ku fidi karo. Dadka xoolaha xannaaneeya iyo dhakhaatiirta daaweysa labaduba way gudbin karaan cudurka haddii aany taxaderin. Wayluhu waxay ka qaadi karaan caanaha neefka buka. Waxaa la xaqiijiyey in neefafka ka soo dooga ama ka bogsooda Cabeebka qaarkood ay intii muddo ah sidaan Fiiruska cudurka keena kaas oo laga helo dalqada neefka.
Astaamaha/ Calaamadaha Cudurka.
Astaamaha lagu garto Cudurka Cabeebka markii uu ku dhaco lo’da waxaa ka mid ah:
* Gangan ku jabsan neefka (ama cadar)
* Daaq yaraysi
* Irmaanka oo caana yareeya
* Qandho ama xumad
* Finnan ka soo baxa afka; (carabka, ciridka iyo bishmaha), sanka gudihiisa iyo inta labada dul u dhexeysa, agagaarka qanjaafulaha ama qoobabka iyo inta labada qoob u dhexaysa, caandha iyo naasaha
* Neefka oo daaqi waaya
* Dhareer badan
* Finnaka oo markii ay dilaacaan ay nabaro ama boogo samaysmaan marka dambena nabaradaasi suulaan ama caabuqaan,
* Nabarada lugaha oo keena dhutin
* Irmaanka oo candha xanuun ku dhaco nabarada dartood,
w w wGeeska Afrika Cabeebku lo’da waaweyn ma dilo, lakiin waylaha yaryar ayuu badanaa dilaa iyaga oo aan wax astaamo ah oo muuqda lahayn Si loo xaqiijiyo cudurka waxaa loo baahanyahay in neefka buka laga qaado dheecaanka finnanka ama nabarada samaysmay oo shaybaar la geeyo.Markii neef ka bogsoodo Cabeeb muddo kooban ayuu u yeelan karaa cudurkan adkaysi, laakiin noocii hore ugu dhacay mid aan ahayni isla
markiiba wuu soo ridi karaa. Ilmaha hooyadii cudurku hore ugu dhacay oo ka nuuga walaxa cudurka ilaaliya waxay ka reebi karaan cudurka ila 5 bilood.Neefkii uu ku dhacay Cabeeb oo ka bogsoodey waxaa lagu gartaa calaamado u gaar ah kuwaas oo ah:
Wuxuu tuurta ku yeeshaa dhogor ama timo dhaadheer oo loo yaqaan “Gas” ama “Jeema”,caano iyo cad fiican ma yeesho, uma adkaysto qoraxda, hadhka ayuu ku cararaa waana xiiqaa ama neef tuura markuu socod galo.
Xakamaynta iyo Dabargoynta.
Wadamada hore looga dabar gooyey Cabeebka markii xoolaha lagu arko waa la laayaa, dabeedna la gubaa xoolihii uu ku dhacay iyo inta ku sugan agagaarkooda oo dhan.Wadamada Cabeebka guriga u ah ee uu sida joogtada ah uga dilaaco sida kuwa Soomaalidu degto waxaa lagu xakamayn karaa talaal. Talaalka laga sameeyey hal nooc ama dhowr nooc oo cudurkeenaha ah wuxuu neefka cudurka noocaasi keeno ka ilaalin karaa muddo 3-4 bilood ah. Haddii mar kale lagu celiyana muddo hal sanno ah.Arrimaha laga rabo xoolo-dhaqatada si cudurkan loo xakameeyo fidistiisa waxaa ka mid ah:
* Xoolaha buka iyo kuwa fayow oo la kala soocoo ama la kala saaro
* Dhakhaatiirta xoolaha, maamulka deegaanka iyo Wasaaradda Xoolaha oo si deg-deg ah loo wargeliyo.
* Dhoofka xoolaha oo la hakiyo
* Lo’da oo la talaalo.
Cabeebku ma leh daawo u gaar ah laakiin neefka nabarada finnanka dilaacay keeneen ee suulay ama caabuqay ayaa lagu daaweeyaa Antibiotic

Wuxuu neefka buka u baahanyahay xannaano kaalmo ah.

Dhibaatada Dhaqaale:

Cudurkan Cabeebku wuxuu dhibaato weyn u keeni karaa dhaqaalaha gobolka uu ka dhaco oo dhan. Dhibaatooyinka dhaqaale ee cudurkani keeno waxay ka imaan karaan; manaafacaadka xoolaha sida cadka iyo caanaha oo aad u yaraada iyo rimayda oo dhicisa. Cudurkani wuxuu aad u wax yeeleeyaa ganacsiga caalimiga ah ee xoolaha wuxuuna ka mid yahay cudurada sida aadka ah looga ilaaliyo suuqyada caalamka ee ganacsiga xoolaha nool iyo oonta xoolahaba.

Qaybta 7aad.

DHICIS (BRUCELLOSIS)

Keenaha iyo Baahsanaanta Cudurka.

Brucellosis oo afka Soomaaliga lagu yiraahdo DHICIS waa cudur ee muda dheer haya neefka uu ku dhaco, waxaana keena ili-maqabatay ka mid ah kuwa loo yaqaan Bakteeriyada nooca la yiraahdo Brucella
wuxuuna cudurkani ku dhacaa xoolaha sida adhiga, lo’da,geela, eeyda iyo doofaarka iyo weliba dadka. Meelaha addunka cudurkani ugu badan yahay waxaa ka mid ah Bariga dhexe, wadamada ku hareeraysan Badda Midhiterraniyanka iy Afrikada Ka hooseysa lama degaanka Saxaaraha, wadamada Qaaradda Aasiya iyo Laatiin Ameerika ee ay ka midka yihiin Hindiya, Shiinaha, Peru iyo Meksiko

Waxaa jira dhawr nooc oo ah Jeermiga keena cudurkan Dhiciska waana sidatan hoos ku qeexan:
Adhiga (riyaha iyo idaha)- Brucella melitensis

Lo’da – Brucella abortus
Geela – Brucella melitensis
Eyda – Brucella canis
Khaansiirka/ Doofaarka Brucella suis

Noocyada jeermiga keena cudurka iyo meesiga ama noocyada xoolaha ee ay ku dhici karaan waxay ku qeexanyihiin shaxda hoos ku qoran:

Isugudbinta iyo Fiditaanka Cudurka.

Cudurkan Dhiciska isu gudbintiisu waa mid toos ah oo laga qaadi karo walxaha ka yimaadka neefka buka sida; hilbaha ceydhiin, caanaha,dheecaanka iyo dareerayaasha kale ee neefka buka. Waxaa jeermiga la isugu gudbinkaraa; hawada, afka, iyo nabarada. Wuxuu keenaha cudrkani degaa oo ku beermaa xubno gaar sidaa; naasaha ama candhada, ilma galeenka, mandheerta iyo xiniinyaha.
Waxyeelada cudurkani u gaysto neefka uu ku dhaco waxay ku xidhan tahay dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin; in neefka hore loo talaalay iyo in kale, da’da neefka, dhadig iyo lab kuu yahay iyo daryeelka
neefkaasi haysto. Keenaha cudrkani wuxuu aad uga badanyahay walaxa ka yimaada neefka jirran sida; ilmihii dhiciska ahaa, mandheerta iyo dheecanka dhashada ka yimaada. Jeermiga cudurkan keenaa wuxuu ku kaydsamaa oo degaa qanjidhada candhada iyo xiniinyaha isaga oo sababa candhabeel iyo ma-dhalaysnimo. Bakteeriyada cudurka Dhiciska keentaa waxay ku noolaan karta dibedda muddo dhawr bilood ah siiba meelaha qabow ee qoyaanka leh iyada oo mudadaas cudur keeni karta. Waxaa kale oo ay xooluhu isu gudbin karaan cudurkan marka ay is boodan ama is abaahiyaan iyo marka la samaynayo rimay gacmeedka. Cudurkan Dhicisku wuxuu ku dhacaa oo kale noocyo badan oo duurjoogta ka mid ah Duurjoogtani cudurka u nugul waxay adkeeyneyneysaa sidii loo cirib tiri lahaa cudurka dhiciska.

Astaamaha lagu Arko Neefka Qaba Cudurkan Dhiciska.

Badanaa cudurkan Dhicisku ma leh astaamo ama calaamado aad uga muuqda oo lagu garto ila neefka rimani ka dhiciyo. Hase ahaato waxaa dhacda in kuwan hoos ku xusan lagu arko neefka:
Ÿ Qandho ama xummad
Ÿ Dhogor madoobaad ama gan-gan ku jabsan neefka
Ÿ Dhicis neefka riman siiba bilaha dambe ee rimayga, ama ilmaha ku dhasha dhamays oo ah mid tamar yar oo buka
Ÿ Mandheerta oo ku dhegta neefka.
Ÿ Xiniinyaha oo barara labka ama qoodha
Ÿ Xubnaha ama kala goysyada lugaha oo barara.
Fardaha qaarkood markuu ku dhaco cudurkani waxaa lagu arkaa qoorta ama luqunta oo bararta, Xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed waxay ku gartaan neefka geela ah ee cudurkan qaba hadba saamaynta ay caanihiisu ku yeeshaan naflayda la siiyo markii u dhiciyey kadib ha ahaato neefka ilmaha ah ee lagu sidko ama caruurta cabta canahaas kuwaas oo lagu arko calaamada kala ah; xummad, kala goysyada oo barara, qanjidhada qaarkood oo barara marka dambena dilaaca.
Khatarta Caafimaadka Dadka ee Cudurka Dhiciska.
Cudurkan Dhiciska ama Brucellosis wuxuu ka mid yahay cudurada dadku si sahlan uga qaadi karo xoolaha iyo oontooda oo ah kuwa looyaqaan Zoonosis. Badiba noocaya jeemiga ah ee kor ku xusani way
keeni karaan cudurka dadka. Astaamaha lagu garan karo markii cudurkani ku dhaco dadka waxaa ka mid ah:

  1. Xummad aan joogto ahayn oo soo noq-noqota
  2. Madax xanuun
  3. Tamar ama awood yaraan
  4. Dhidid badan
  5. Dhaxan
  6. Caatow ama miisanka oo dhaca
  7. Xubno xanuun
  8. Dumarka oo joogto u dhiciya.
Dadka uu cudurkani ku dhaco waxaa ugu badan kuwa xoolaha iyo dheeftooda sida tooska ah ugu taxaluqa oo ay ka mid yihiin ; xoolo dhaqatada, xirfadlayaasha caafimaadka xoolaha iyo kawaanleyda.
Cudurkan waxaa si hawl yar u qaadi kara farsamayaqaanada shaybaarada ee baadha dheecanada xoolaha siiba walaxa ka yimaada neef dhiciyey, sidaas darteed waxaa loo baahanyahay inay aad uga
taxaderaan arrintaas shaqaalaha shaybaadhada xooluhu. Waxaa kale oo dadku ka qaadi karaa cudurkan caanaha neef cudurkan qaba oo la cabo iyada oo aan la kar-karin,


Ahmiyadda Dhaqaale ee Cudurkan Brucellosis.

Cudurkani wuxuu leeyahay ahmiyad dhaqaale oo weyn maadaama uu si toos ah u saameeyo wax soosaarka iyo taranta xoolaha isaga oo keena dhicis, dhasha oo aan kicin ama dhimata, manaafacaadkii xoolaha sida caanaha iyo cadka oo la waayo iyo xoolaha oo la iibsan waayo ama dhoofka laga joojiyo.Maadama cudurkan yahay mid dadku ka qaadi karo xoolaha iyo dheeftooda muhiimada cudurkani maaha mid la qiimayn karo oo lacag lagu qiyaasi karo.

Hubinta ama Baadhista Cudurka.

Inkasta oo cudurkan la tuhmi karo markii neefku dhiciyo hadana waxaa muhiim ah in shaybaar lagu hubiyo.
Ka Hortegista iyo Xakamaynta Cudurka Dhiciska.
La socodka xaaladda caafimaad ee xoolaha waxaa lagu fulin karaa baadhis joogta aha iyadoo la baadhayo dhiiga iyo caanaha neefkii lagu arko cudurkana laga saarayo xoolaha oo la qalo. Meelaha cudurkani
guriga ama deeganka ku yahay ee uu had iyo jeer ka dhaco waxaa lagu xakamayn karaa talaal la joogteeyo. Cudurka loo yaqaan Dhiciska Brucellosis waxaa dadka looga ilaalin karaa iyada oo markiisa hore laga ilaaliyo inuu xoolaha ku dhaco. Cudurkan markii qof looga shakiyo waxaa fiican si deg-deg ah in loola xidhiidho dhakhaatirta dadak ee aqoonta gaarka ah u leh.


SHARE

Author: verified_user