Dastuurka oo 16-ka bishan la hor dhigayo odayaasha dhaqanka

Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku shirayo magaalada Muqdisho ayaa
u sheegay madaxweyne Sharif in dastuurka qabyo qoraalka la horkeeno
16-ka bishan.

Kulan uu mar kale maanta la qaatay odayasaha ayuu madaxweynaha kaga
dhageystay talooyin iyo sida ugu macquulsan ee loo bilaabayo howsha
adag ee hor taala odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday odayaasha in ay mudo kooban ku
ansixiyaan dastuurka, hase yeeshee odayaasha ayaa marki danbe sheegay
in qiimeyn kadib ay gaba gabeyn doonaan 18-ka.

Suldan Ibrahin Suldan Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in
dhamaan qodobadai laga hadlay la isku af gartay.

" Waxaa laysku afgratay in dastuurka nala horkeeno ilaa iyo 18-ka aan
ka doodno, qodobka labaadna waa in lasoo gudbiyo xildhibaanada oo ay
beelaha nasoo gaarsiiyaan iyadoo loo eegayo aqoontiisa ugu yaraan in
ay tahay dugsi sare," ayuu yiri.

Odayaasha ayaa marka ay ansixiyaan dastuurka u gudbaya sidi ay usoo
magacaabi lahaayeen baarlamaanka, kadibna waxa baarlamaanku uu dooran
doonaa gudoomiye, iyadoo 20-ka bisha August la filayo in la doorto
madaxweyne cusub.

Shabakada Baargaal.net
Isha wararka horumarka Degaanada Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain