waxaa Magaalada Boosaso ku Geeriyooday Allah ha unaxariistee Nabadoon Maxamed Cali Guul oo kamid ahaa oday dhaqameedyada ama nabadoonada sida weyn looga jeclaa oo looga tixgalin jiray Deegaanada Calbari
Nabadoon Maxamed Cali Guul wuxuu caan ku ahaa arimaha samaflka, isku xirka bulshada Degaanka iyo soo dhawaynta martida iyo dadka degaanka qariibka ku ah
Allaha ha unaxariistee wuxuu marxuumku udub dhaxaad u ahaa, qayb libaaxna ka qaadan jiray barnaamij kasta oo dadka iyo dalka wax loogu qabanaayo , waxaana lagu xasuustaa Allah ha unaxariistee Nabadoon Maxamed Cali Guul Doorkii uu ka qaatay Furitaanka wadada lafagoray.
Dhamaan Maamulka iyo shaqaaalaha Shabakada Baargaal.net waxay tacsi tiiraanyo leh halkan uga dirayaan guud ahaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan qooyskii, ehelkii, qaraabadii iyo xigtadii Alle ha unaxariistee Marxuum Nabadoon Maxamed Cali Guul waxaan Allah uga baryaynaa marxuumka in uu naxariistii janno ka waraabiyo, qooyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan kasiiyo Aaamiin aamiin aamiin .
Inaa Lilaahi Wa innaa Ilayhi Raajicuun.
Waxaa na soo gaaraaya dhambaalo badan oo tacsi ka diraayaa geeridii ku timaaday Allah ha unaxariistee Nabadoon Maxamed Cali Guul , marka fadlan waxaan Furnay Buuga Tacsida , ee Halkaan taabo ama email-kan noogu soo dir dhanbaalkaaga : baargaal@gmail.com
Inaa Lilaahi Wa innaa Ilayhi Raajicuun.