Posts

War deg deg ah: Nin Madaxa looga jiro oo dab qabadsiiyay guri kuyaal degmada Kaaraan

Wararka haatan naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir
ayaa sheegaya in Nin madaxa looga jiro uu gubay guri ay kusugnaayeen
qoys wadajira.
Ninkan madaxa looga jira ayaa soo qaatay dab kadibna waxaa uu ku gubay
guriga taas oo keentay in ay basbeelaan
dhamaan qalabkii ama hantidii taalay.

Qof goob jooge ah ayaa sheegay in ay gubteen guud ahaan waxii yaalay,
sidoo kala waxa dhaawac uusoo gaaray labo wiil oo isku dayay inay
dabka damiyaan.

Waxaa jira warar sheegaya in Ninka falkaas sameeyay uu katirsanaa
Qoyska guriga uu ka gubtay isla markaana uusan kala garanayn waxa uu
samaynayo maadaama uu xanuusan yahay.

Shabakada baargaal.net
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain