Culumo caafimaad oo u dhashay dalka Singapore, ayaa daaha ka qaaday hadii uu qofku cabbo maalintii in ka badan 3 koob in uu....

Culumo caafimaad oo u dhashay dalka Singapore, ayaa daaha ka fayday in cabbitaanka shaahu faa?iidooyin muhiim ah u leeyahay maskaxda dadka ,gaar ahaan markay gaboobaan, iyagoo khubaradu tilmaamay haddii qofku maalin kasta uu cabbo saddex koob oo shaah-dhaqameedkiisa ah in aanay maskaxdiisu is-dhimayn markuu da?da noqdo.

Daraasad laga qaaday ku dhawaad 1,500 qof oo isugu jiray rag iyo dumar reer Singapore ah oo dhammaantood maalintii cabba in ka badan afar koob oo shaah ah, ayaa lagu ogaaday in qaar badan oo ka mid ah maskaxdoodu saafi tahay oo aanay waxba illaawin, iyagoo wayaal ah.

Khubaradani waxay sheegeen in uguyaraan 3 koob oo shaaha caadiga ah oo qofku cabbo maalin kasta ay 43%hoos uga dhigto in maskaxdiisa xasuus yaraan ku dhacdo amma noqoto mid shaqadeedu hoos u dhacdo.

Cilmi-baaris kaloo lagu tijaabiyey 4,000 qof oo u dhashay dalka Maraykanka, ayaa hore u shaacisay in cabbista shaahu faa?iido badan u leedahay haweenka.
Daraasaddan oo ay fuliyeen khubaroka tirsan Jaamacadda California,


sidoo kalena cilmi-baarista Singapore laga hirgeliyey dib-u-eegis ku sameeyey, ayaa lagu caddeeyey in cabbitaanka shaaha iyo kofeegu faa?iidooyin caafimaad u leeyihiin maskaxda dadka.
Shacabka dalka Ingiriiska ayaa iyagu maalintii cabba 165 milyan koob oo shaah ah, kuwaasoo aad uga badan dadka kafageega cabba.? Waxa jira caddaymo badan oo sheegaya in shaahu ka hortago in dareemayaasha maskaxda hoos-u-dhac ku yimaad, sidaa awgeed waxaannu si toos ah u sheegaynaa in cabbistiisu dadka ka ilaaliso inay noqdaan qaar illowshiiyuhu ku bato markay gaboobaan,

balse sida ugu fiicn eeqofku yarayn karo khatarahamaskaxda la soo darisa waa inuu cuno cuntooyin dheellitiran, jimicsi joogto ahna sameeyo, sidoo kalena qiijinta sigaarka joojiyo.? Sidaa waxa tidhi

Drs. Jessica Smit oo ahkhabiir ku takhasustay cudurrada dadka waayeelka ah maskaxda kaga dhaca oo daraasaddan fallanqaysay

Baargaal.net
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain