Deg Deg: Axmed Madoobe oo loo doortay Madaxweynaha Cusub eeJubbaland

War goordhow naga soo gaaray Magaalada Kismaayo ayaa sheegayain loo doortay Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Sida ay sheegeen Illo lagu kalsoonyahay oo ku sugan Kismaayo waxaa maanta la guda galay Doorashada Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland waxaana goordhow ku guulaystay sida la sheegay Hogaamiyaha Raas kambooni Axmed Madoobe.

Dhowrkii billood ee ugu dambeeyay ayaa waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ka socday shirweyne maamul laagu sameysanyo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Shabakadda baargaal.net
kismaayo
Developed by Jago Desain