War Deg deg ah: Burcad boobi laheyd Xawaalada dahabshiil iyo ciidamada dowlada oo dagaal dhex marayo

Kooxo hubeysan oo doonanay in ay boobaan xarun suuqa Bakaaraha ay ku dhex leedahay Xawalada Dahabshiil ayaa waxa ay isku dheceen ciidamada dowlada Soomaaliya iyada oo halkaasina uu dagaal ka bilaawday.
Dagaalka ayaa la sheegayaa in uu socdo uuna bilaawday kadib markii Burcaddu ay dileen ninkii ilalada ka ahaa xarunta iyada oo hada ciidamada dowladu ay ku hareereysaynyihiin burcadiina ay dabaqa xabado kasoo ridayaan.

Suuqa ayaa waxaa ka jira kala carar aad u xooggan iyada oo shacabku kabaqayaan in xabada lees dhaafsanayo ay gaaraan.
Suuqaasi ayaa hada waxaa ku sii qul-qulaya ciidamo badan oo doonaya ay gacanta ku dhigaan burcadda weerarka ku gashaya xarunta.

Shabakada baargaal.net
Breaking news
Developed by Jago Desain