Waxaa Maantay Degmada Baargaal iyo deegaanada kale ee hoosyimaada ku soo gabagaboobay olole balaaran oo ay Wadeen gudiyo ka socday wasaarada xanaadada xoolaha ee Puntland oo lagu Talaalay , laguna daaweeyay Xoolo badan
ololaha oo ay wadeen gudiyo isugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal Caafimaad ayaa waxay Xoolo isugu Jira geel iyo ari ay ku talaaleen Deegaanada Baargaal , Muudiye, Taageer,Qoraxaad iyo Tuulooyinka hoos
yimaada
Shir lagu qabtay Xarunta Dawlada Hoose ee Degmada Baargaal oo uu ka
qayb galay agaasiimaha Guud ee wasaarada xanaanada xoolaha Dacar
Xareed , maamulka degmada iyo ergo kasocota Xoolo Dhaqatada ayaa looga
hadlay barnaamajka talaalka ayadoo ay aad u soo dhaweeyeen xoolo
dhaqatadu talaabadaas
C/rashiid Xaashi Carab oo ah hawl wadeenka Gudigan oo ka hadlay barnaamajkooda ayaa sheegay in xoolo badan ay ka soo talaaleen cudurada Furuqa iyo Jadeecada deegaanadii ay soo mareen .
mudane C/rashiid ayaa intaas ku daray in ay yimaadeen dhul xoolo
badani joogaan , asagoo dadka deeganka ku amaanay sida ay ugu qanacsanyihiin ahamiyada ay leedahay in xoolohooda loo daaweeyo
Mudane C/rashiid ayaa sheegay in Gudigoodu u isii talaabi doono dhanka
Caluule oo uu codsi badani ka jiro , waa sida uu hadalka u dhigaye
Shabakada Baargaal.net
Isha wararka horumarka deegaanada calbari