Prof. Samatar oo 22- sano kadib ka degay Somaliland

Pof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ahaa musharixiintii u tartamay doorashadii madaxtinimo ee Soomaaliya dhamaadkii sanadkii 2012 ayaa markii ugu horaysay maanta soo gaaray magaalada Hargaysa , kadib sanado badan oo uu siweyn uga soo horjeeday go'aanka Somaliland ay sheegtay inay uga go'day Soomaaliya inteeda kalle.

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa guddi heer wasiirr oo gudoomiye ka yahay wasiirka kalluumaysiga C/laahi Geeljire usaaray soo dhoweynta Prof Samatar ee dib ugu soo laabashadiisa Somaliland oo uu booqan tan iyo markii ay ku dhawaaqday gooni isutaaggeeda.

Qayabaha bulshada ee magaalada Hargaysa, wasiirro aqoonyahan ayaa siweyn ugu soo dhoweeyey magaalada Hargaysay, horaantii bishii June ee sanadkaan ayuu profasarooku iska casilay xubinamadii baarlamaanka Soomaliya uu ku lahaa.
Mar uu warbaahinta uu kula hadlay magaalada Hargaysa kadibmarkii lagu soo dhoweeyey ayaa waxaa uu si toos ah uga gaabsaday waxa iska badalay mowqifkii uu uga soo horjeeday qadiyadda Somaliland, balse waxaa uu sheegay inuu dhagaysan doono marka uu la kulmo madaxda Somaliland iyo dadwaynaha.

Baargaal.net
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain