Baarlamaanka Puntland oo Ka Dooday habka lagu soo xulayo baarlamaanka cusub ee Puntland

Xildhibaanada baarlamaanka ee Puntland ayaa maanta loo qaybiyay warqad lifaaq ah oo ku qoran habka lagu soo xulayo xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Puntland oo ay soo xulayaan odayaasha dhaqanka.

Warqadda lifaaqa ayaa waxaa soo gudbiyay guddiga qaabilsan shuruucda ee golaha wakiilada Puntland, golaha wakiilada Puntland ayaa badankood soo dhoweeyey lifaaqan iyo hakinta barnaamijkii doorashooyinka ee dowladdu dhawaan ku dhawaaqday, hase ahaatee dood adag ayaa waxaa ay
ka taagantahay xildhibaanada qaar ee aaminsan dastuurkii bishii April ee sanadkii 2012 ergooyinkii 480-ka laga soo xulay bulshada iyo shaqaalaha dowladda ku ansixiyeen magaalada Garoowe iyo xildhibaanada
taageersan lifaaqan.

Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee diidan odayaasha beelaha inay soo xulaan baarlamaanka cusub ayaa ku doodaya dastuurka ergooyinka lasoo xulay Garoowe ku ansixiyeen oo hadda dalka lagu
maamulo inuu dhigayo baarlamaanka inay soo doortaan dadwaynaha , sidaasi daraadeed lifaaqan uu ka horimaanayo dastuurka jira loona baahanyahay dalka in lagu sii wado doorashooyinkii nidaamka xibsiyada,
xukuumadda ayay ka dalbadeen arintaasi inay soo faahfaahiso.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa ku jira urur siyaasadeedkii Horseed ee madaxwaynuhu horay ugu dhawaaqay inay doorashadu uu ku galayo.

Kulankaan oo qayb ka ah kalfadhiga 30-aad ee golaha wakiilada Puntland oo ay maanta joogeen 50- xildhibaan ayaa waxaa soo xiray gudoomiyaha baarlamaanka C/rashiid Maxamed Xirsi , waxaa gudoomiyaha uu sheegay maalinta berri in la isugu yimaado si looga doodo meelarinta xeerkaan.

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain