Shirwaynahii Wadatashiga Qurbajoogta beelwaynta Calbari(siwaaqroon) ee Uk oo Go'aamo ka soo baxeen

Waxaa maalintii sabtida oo ay taariikhdu ahayd 24/08/2013, magaalada London ee caasimada wadanka Britain ka dhacay shir balaraan oo ay‏ ‏isugu yimaadeen qurbajoogta beelwaynta Calbari (siwaaqroon) , shirkaasi oo ay ka soo qayb galeen wufuud ka kala timi dhamaan gobolada dalka UK iyo wufud kale oo ka kala timid wadamada yurub, waxaa dhinaca khadka telefonka kaga soo qayb galay Beeldaajaha Calbari Beeldaaje Ismaaciil Beeldaje Yaasin iyo aqoonyahano kale.

Shirkan oo lagu lafa guray qodobo fara badan taas oo looga hadlay horumarinta deegaanada ay beeshu degto iyo sidii loo soo dhowayn lahaa Gobolka Gardafuu oo noqday gobolkii sagaalaad ee gobolada Puntland.

Shirkaas ayaa waxaa hadalo qiimobadan oo dhinacyo kula duwan taabanaya ka soo jeediyey, siyaasiyiin ruug cadaaya, aqoon yahano, haween iyo dhalinyaro. Markii ay beeshu isla qaadaal dhigtay oo ay gorfaysay xalada deeganada ay beeshu degto waxay gabo gabadii shirkaas soo saareen bayaankan hoos ku xusan:

*.Beeshuwaxay ayiday magacaabidii gobolka Garadafuu oo ahayd rabitaankii beesha ka rabtay maamulka Puntland,mahadna uga celinayaan maamulka Puntland oo ka jawaabay rabtaankii bulshooyinka dagaanadaas dega.

*.Beeshu waxay ku boorinaysaa in ay beelaha degan gobolka cusub ee Gardafuu in ay dhamantood gacmaha is qabsadaansi isku duubnina ugu qeybqaataan dhismahiisa.

*.Shir gudoonku waxuu u soo jeedinayaa Madaxda, Isimada , Nabadoonada, Culumaa'udinka, Ganacsatada, Aqoonyahanada, Haweenka, Dhalinyarada,iyo dhamaan waxgaradka beeshu in ay arinkan ka shiran iswaydiyaana baahida ka jirta iyo sidii gobolkaas loo horumarin karo.

*.Shir gudoonku wuxu u soo jeedinaya shacbi waynaha beelaha degan Puntland state,inay ka shaqeeyaan walaalaynta, nabadgelyada gobolka, iyo nabad ku wada noolaashaha bulshada Puntland .

*.Shir gudoonku wuxu u soojeedinayaa ,Hay'adaha caalimaga iyo kuwa gudahaba in ay tagaan, gobolka cusub ee Gardafuu, degmooyinkiisa tuulooyinkiisa iyo dhaman deeganada uu ka koobanyahay, kuna darsadaan qorshohooda soo socda si ay ugu qaybgalaan hormarkiisa.

*.Gobolka Gardafuu oo ah gobol muhim ah, iskunaxira khaliijka carabta iyo Africa, in ay maalgashayaasha gudaha iyo debaduba tagaan gobolkaas, kuna sameeyaan, maal gelin taas oo an uhubno in laga wadafaa'iidayo.

*.Dhamaan jaaliyaaadka u dhashay deegaanka gobolka Gardafuu ee debedaku nool waxaa gudoonka shirku ugu yeerayaa in ay horumarinta gobolka kaqayb qaataan.

Bayaankan waxa ku saxiixan bahdan hoos ku qoran:

1. Mudane Aadan Mohamed Ali.
2. Eng:Farah Mohamud Dooxa Joog.
3. Said Yusuf Muse (Said Awgaab)
4. Faarax Mohamed Faarah (Fuqayare)
5. Yusuf Ahmed Mohamud (Bare faatax)
6. Caydaruus Abdi Ismail (Xeyle Balbalaare).
7. Ahmed Suleymaan Cawad
8. Ali Mohamed Mohamud (Ali Bile)
9. Mohamed Bashir Omar Samantar
10. Abdi Said Xaaji xoore
11. Mohamed Isse Ali Koonte(Digeeye)
12. Said Saleh Seed
13. Abdi Yusuf Isse (Cadde)
14. Abdirasaaq Saalah Mohamed (Abdi Bangah)
15. Hassan Nuur Axmed (Matoote)
16. Abdi Mohamed Muuse (Abdidiyaana).
17. Ahmed Nuur Abbaas.
18. Abshir Xareed Cali Daad.
19. Abdiqani Ahmed Hassan
20. Abshir Sh. Mohamud Yusuf
21. Mohamed Sh. Mohamud Yusuf (M. Carab)
22. Mohamud Mohamed Salah (Bangax)
23. Eng; Ali Mohamud Mohamed (shabeelo)
24. Ayaanle Mohamed Aadan
25. Mohamed Caydaruus Cabdi (Inni Xeyle Balbalaare)
26. Bashiir Caydaruus Cabdi (Inni Xeyle Balbalaare)
27. Saalah maxamed Saalah (Saalah bangax)
28. Mohamed Mohamud Siad (AbbaJeli)
29. Abdiqani Hassan Nur Matoote
30. Abdulkadir Yusuf Mohamed (Iidi)
31. Aasiyo Macalin Abdi
32. Sahra Mohamud Mohamed (Haji Halwo)
33. Muxubo Salah Gaabshe (Jabaan)
34. Shukri Said Ahmed Xoolonool
35. Hawo Mohamed Mohamud Daldal
36. Nimco Bashiir Haji Said
37. Saido Yusuf Muse
38. Billan Mohamud Mohamed (Gaaseed)
39. Safiyo Abdulahi Saalah (Yurub)
40. Bahjo Mohamud Mohamed (Gaaseed)
41. Maymuun Mohamed Haji Omar

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumarinta deegaanda Calbari
Developed by Jago Desain