Posts

DOODA TODOBAADKA : Soo xulida xubnaha barlamaanka cusub


dhamaan sidaad lawada socotaan waxaa dardar galaaya hawshii xulida xubnihii baarlamaanka cusub,oo ka kooban 66 xubnood kuwaas oo haduu eebe idmo madaxweyne dooran doona 08 Janaayo 2014

dooda todobaakan ayaan diirada ku saaraynaa Sidii Loo soo Xuli lahaa Xildhibaanada Cusub Ee Puntland Gaar ahaan Xildhibaanada Deegaanada Calbari ka Soo Galaya Baarlamaanka

aragtiyada dhamaan ayaa soo jeedinaaya In ay Xildhibaanada Cusub Noqdaan Dad Aqoon Leh Bulshsda ay Matalayaana Wax uqabankara

Dowlada hadda talada haysa ayaa ku dadaalaysa in xubnihii hore dib loo soo doorto, taas oo digtooni ku abuurtay dadka isbedelka doonaya oo aaminsan in xubnaha hadda jira ay ka tirsanayeen xisbigii Horseed ee madaxwayne faroole

Sikastaba ha ahaate waxaan la ogayn halka xaalku uu ku danabayn doono maadaama ay arrintu gacanta ugu jirto Isimada iyo Nabadoonada Gobolka

Barnaamijka dooda Todobaadka waxaa lagu lafa guraa fikradaha akhristayaasha iyo bulshada deegaanka .. dood furan
Developed by Jago Desain