MAAMULKA IYO ODAYAASHA BAARGAALOW: DAB DHAXAMOODAY MAXAA LAGU DIIRIYAA ? (Faalo)


Su'aashan waxa aan uga jeedaaa,markii cid hawl loo igmado , oo la yiriaahdo meel maamula oo dalka iyo dadka haga oo hoggaamiya haday cidaasi gaabiso ,maxaa lagu toosiyaa?

Waxa taas jawaabteedu tahay waa in la shido oo la dardar geliyo.Taasina waa tan maanta looga baahan yahay inay Bulshada Deegaanku gartaan

Waxaa marar badan horay u dhacay , maantayna ka dhacay maagaalda , in raashin la yiri waxaa loo qaybinaayaa dad danyar ah oo masaakiin ah ay isugu timaado magaalada oo dhan kasoo dhaliyay buuq , xabado, iyo dagaal gacmaha laysula tagay Ma sida loo sheegay baa wax ka badalanyihiin oo magaalada oo dhan baa loo waday raashinkaas ? , mise sida loo maamulay ayaa wax ka qaldanyihiin ? Maxaase sababy in dadkaas oo dhan ay kasoo qayb galaan ?

Arintaas oo marar badan soo noqnotay , oo mar walboo raashin mucaawino ah la qaybinaayo dhalisa buuq iyo xasarad , baa suaasha layswaydiinaayo waxay tahay yaa laga sugaayaa hawshaas wax ka qabadkeeda
Ma maamulka Degmadaa? ma Odayaasha Deegaanka ? Ma hay'ada Bixisaybaa mucaawinada?

Waxaan sugaynaa su'aalahaas jawaabahooda , si looga dooda qaabkii looga hortagi lahaa muuqaalka foosha Xun ee Meesha ka muuqda iyo sidii loo gaarsiin lahaa Mucawinadaasi danyartii loogu talagalay.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada calbari
Developed by Jago Desain