Maxaad Kula Talin lahayd Duubabkeena Dooranaaya Xildhibaanada Barlamaanka?

Waxaa dhamaadka bishan ku'eg mudadii shanta sanadood ahayd ee ay xilka‏ ‏hayeen xildhibaanada hada barlamaanka jooga , waxaana hada gabo gabo ah soo xulidii xubnihii badali lahaa oo kamid noqon lahaa barlamaanka cusub ee dooran doona haduu eebe idmo madaxwaynaha soo socda ee‏ ‏dawlada puntland yeelandoonto marka sanadka cusub la gaaro .

marka Duubabkeena waxaa maalmahan saaran culays badan oo dhinac walba‏ ‏ah , waana la dareemi karaa , marka maxaa laga sugaayaa inay‏ ‏duubabkeenu ku doortaan qofka buuxinaaya booska xildhibaanka .

Waxaan Duubabkeena Sharafta Mudan kula Talinaynaa in Qofka Ay u‏ ‏dooranaayaan Xildhibaan matalaaya Deegaanka uu noqdo qof wax ka‏ ‏yaqaan sharci dejinta iyo la xisaabtanka dawladda oo akhriyi kara fahmi karana qawaaniinta iyo nidaamka‏ ‏dawliga ah ee ka dhexeeya seddexda waaxood ee Fulinta, Sharcidejinta‏ ‏iyo Garsoorka, baran kara oo horumarin kara aqoontiisa la xiriirta barlamaanka.

waxaa kale oo aan Duubabkeena Sharafta leh kula talinaynaa in ay iska‏ ‏ilaaliyaan in ay xildhibaanka ku doortaan qaabka {reer hebel} maxaa‏ ‏yeelay Sida keliya ee‏ ‏loo rabaa reer ahaan waa in degmo waliba maamulka guud ka tirsanaato‏ ‏oo saamigeeda iyo hawlaheeda wax u difaaca ama ka hadla u hesho waayo‏ ‏degmooyinkeena ayaa ku saalaysan qabiil , waana sida hadaan anigu maqnay , walaakay baa ii jooga.

waxaan kaloo duubabkeena sharafta mudan kula talinaynaa in qofka ay‏ ‏xildhibaanka u dooranaayaan uu noqdo shakhsi khibrad iyo aqoon leh , kuna sifoobay bulshada dhexdeeda run , cadaaladd,wax qabad, codkarnimo,dad-wedid leh, hogaan adag, maskax furan, samir badan, aakhlaaq qoys iyo mid qofeedba leh, Nin Alle ka cabsi leh, naxariis badan oo u damqada dadka liita ,,sifooyinkaas cidda ugow dhow ku dadaala duubabkeenowinaad u doorataan jegadaas.

ugu danbayn ogaada duubabkeenow in qof kasta oo qaangaar ahi masuul ka‏ ‏yahay ilaah hortiis iyo bulshadaba go'aan kasta oo uu qaato , Marna ma banaana in lagu andacoodo waa ley amray.

Waxii talooyin oo intaasi dheer waxaan u banaynaayaa akhristayaasha Sharafta leh‏ ‏ciddi haysa ama rabta inay gaarsiiso duubabkeena sharafta mudan ,‎‏ ‏waxay ku qori qaraan qaybta hoose ama waxay noogu soo diri karaan
Email : baargaal@gmail.com

Shabakada Baargaal.net
Faalooyin ka turjumaaya Guuxa Bulshada deegaanka
Developed by Jago Desain