Posts

Musharax xildhibaan Murwo muxubo cismaan guuleed oo Maanta Baargaal Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay “Sawirro”


Waxaa Maanta Magaalada Baargaal si wayan loogu soo dhaweeyay marwo muxubo cismaan guuleed oo ah murashax u taagan xildhibaanimada degmada baargaal iyo gudoomiye ku xigaynka 1aad ee golaha barlamaanka puntland

murashax xildhibaan murwo muxubo ayaa Safar dhulka ah shalay uga soo anbabaxday magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,iyadoo xalay ku nasatay magaalada taageer oo casho loogu sameeyay

waxaana murwo muxubo cismaan maanta si heer sare loogu soo dhaweeyay magaalada baargaal ayadoo Boqolaal dadwaynaha Reer Baargaal ah uga Hortageen murashaxada banka xinka oo magaalada dhowr kilo miter u jira ayagoo muujinaayay shacuur iyo dareen aad u sareeya.

Wafdigaan Ayaa waxaa Magaalada U soo Galbiyay oo Horkacayay Gawaari soo Dhawaynta si wayn uga qaybgashay isla markaasna horsocotay gawaarida Wafdiga ilaa ay ka soo kasoo galeen magaalada.

Soo dhawaynta Musharaxada ayaa waxaa ka qayab qaatay qaybaha kala duwan ee Bulashada sida waxgaradka, Haweenka, Dhalinyarada, Siyaasiyiin ayagoo watay sawirada musharaxada iyo qoraalo isbadel doon ah.

ugu danbayntii Murwo Muxubo Cismaan oo xilal kala duwan ka soo qabatay dowladdii hore ee somaliaya ahna bussinesswoman kamid ah xubnaha ugu firfircoon jaaliyadda Puntland ee UK oo la hadashay dadwaynihii soo dhawayay ayaa marka hore uga mahad celisay sida qiimaha badan ee loo soo dhaweeyay.

murwo muxubo ayaa balan qaaday haday ku guulaysato xildhibaanimada inay ku shaqayn doonto mutadawacnimo oo musharkeeda ugu deeqayso horumarka Degmada Baargaal ayadoo sidoo kale ballan qaaday inay waxbadan ka qaban doonto baahiyaha bulshada sida waxbarashada ,caafimaadka , biyaha iwm


shabakada baargaal.net
isha wararka horumarka deegaanda calbari
Developed by Jago Desain