Baarlamanka oo buuq kadib Mowshinkii R.W. Saacid dib u dhigay


Sida ay kusoo waramaayaan ilo wareedyo ay shabakada Baargaal.net goor dhow la xiriirtay kuwaas oo ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaa buuq iyo Sawaxan kusoo idlaaday Kulan ay Mudanayaasha Baarlamaanka Dowlada Federalka Soomaaliya maanta ku lahaayeen Xarunta Golaha Shacabka, kaasi oo Mowshin laga keenay Xukuumada uu Hogaamiyo Ra'iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, si kalsoonida loogala noqdo.

Shir Guddoonka Baarlamaanka oo shirka furay ayaa halkaasi ka akhriyay Mowshinka laga keenay Xukuumada Ra'iisul Wasaare Saacid, balse Mowshinkaasi ayaa laga waayay Magacyada Xildhibaanada soo gudbiyay Mowshinka, taasi oo sababtay in Xildhibaanada Taageersana Ra'iisul Wasaare saacid ay halkaasi buuq ka sameeyaan, isla markaana ay sheegeen in Mowshinka uusan aheyn mid waa faqsan sharciga.

Xildhibaanada qaar ayaa dibada isaga soo baxay shirka, waxa uuna Guddoonka Baarlamaanka ku dhawaaqay in Mowshinka dib loo dhigo illaa iyo 30-bisha, isla markaana la waafajiyo Mowshinka habka uu qabo dasturka iyo sharciga keenista Mowshinka.

wixii soo kordha kala soco
SHABAKADA BAARGAAL.NET

Xildhibaanada qaar ayaa sheegay in uu fashilmay Mowshinka laga keenay
Ra'iisul Wasaare Saacid, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda ay
shir saxaafadeed ku faah faahiyaan xildhibaanada iyagu kasoo horjeeda
Mowshinkaan, waxii Maanta ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka.
Tirada Xildhibaanada soo xaadirtay kulankii maanta ayaa gaarayaan 201
Xildhibaan.
Developed by Jago Desain