Posts

Maxaa ka soo baxay kulankii danjire Kay iyo Isimadda gobolka mudug


Isimada Gobolka Mudug ayaa maanta 21November 2013, waxay kulan la qaateen Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr, Nicholas Kay oo soo gaaray magaalada Gaalkacyo, kulankaasi oo ka dhacay Guriga Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax.

Kulanka dhexmaray Isimada iyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa waxaa ka qeybgalay Isimada gobolka Mudug oo kalaahaa:-

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle
Ugaas Cali Ugaas Maxamed
Suldaan C/qani Suldaan Cali Baalle
Suldaan C/salaan Suldaan Maxamuud
Suldaan C/qaadir Cumar Shabeel
Suldaan Maxamed Suldaan Maxamuud
Suldaan C/rashiid Muuse Shire
Fiqi Bashiir Cabdulle Cali
Caaqil C/wahaab Maxamuud Gurey
Caaqil C/xakiim Jaamac Nuur

Kulanka dhexmaray Isimada Gobolka Mudug iyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa wuxuu ahaa kulankooda mid looga arinsanayay arimaha doorashooyinka ee ku soo aadan Puntland sanadka 2014-ka bishiisa koowaad ee Janaayo. Kulanka labada dhinac dhexmaray ayaa waxaa diirada lagu saaray qodobada ay ka mid yihiin, Xilliga doorashada, Guddiga xalinta khilaafaadka, xulista xubnaha Baarlamaanka iyo shirkii Isimada Puntland.

Waxaana la isla gartay qodobada kala ah:-

1. In doorashada Puntland ay ku qabsoonto xilligeeda 8-da Janaayo 2014.
2. In Guddiga xalinta khilaafaadka ay noqdaan kuwo laga wada tashaday, layskuna waafaqsan yahay magacaabistooda, iyadoo la isla gartay in xilligeedii la taagan yahay.
3. In la joogo wakhtigii xulista xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Puntland, sidaasi darteed in la soo dedejiyo soo magacaabista xubnahaasi, lana xaq dhawro xubnaha gabdhaha ay leeyihiin.
4. Shirka Isimada Puntland oo la isla gartay in wakhtigiisii dib loo dhigo illaa iyo inta ay doorashadu dhacayso, dawladda cusubna ay hirgeliso

shabakada Baargaal.net
galkacayo
Developed by Jago Desain