November 11, 2013

Roob mahiigaan ah oo ay ku Diirsadeen Dadka Iyo Duunyada Oo Ka da,ay magaalada baargaal

Jawiga Magaalada Baargaal ayaa maantay ahaa mid wax badan ka badalan sidii hore iyadoo uu maanta Magaalada uu ka da'ayo roob mahiigaan ah oo ay dadka iyo duunyadaba ku diirsadeen.

Waxaa maanta aad u yaraa dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka Magaalada waxaana saameyn ku yeeshay roob xalay bilowday ilaa hadana kasocda Magaalada.

Roobka ayaa biyo badan dhigay wadooyinka iyo balliyada Magaalada iyadoona dadka iyo gaadiidka ay ku adagtahay in ay maraan wadooyinka qaarkood oo biyo badani xireen

Waxaa Kaloo ilaa xalay Biyo Xoogan Maraayeen Togga Duuba , iyo sidoo kale Biyo badani Ka soo Dhaceen qarka Moqor,Moorahante , Dhadhaablaho,qoryooleey,iyo meelo kale

Magaalada Baargaal ayaa in muddo ah uusan ka da'in wax roob ah iyadoo saaka laga dheehan karay wajiyada bulshada ku dhaqan magaalada Baargaal sida ay ugu faraxsanyihiin nimcada eebe keenay.



Maxamed ibrahim
Baargaal
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner