Weerar Lagu Qaaday Xabsiga Dhexe ee Boosaaso


Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in maleeshiyo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin al-shabab ay xalay weerar ku qaadeen xabsiga dhexee Boosaaso oo ay ku xidhan yihiin tobannaan qof oo ay ku jiraan kuwo lala xiriirnayo al-shabab.

Goobjoogayaal iyo saraakiil ayaa idaacadda VOA u sheegay in dablayda soo weerartay ay adeegsadeen qoryhaya boobayaasha iyo baasuukayaal markii ay xabsiga weerareen.

Maleeshiyadan ayaa saraakiil magacooda qarisay sheegeen inay doonayeen inay xabsiga ka sii daayan xubnaha al-shabab lala xiriirinayo ee xabsiga ku jira.

Ugu yarana 3 qof ayaa la sheegayaa inay dhinteen oo uu ku jiro sarkaal ka tirsan booliiska.

Ilaa hadda war rasmi ah kama soo bixin dhinaca mas'uuliyiinta Puntland, saraakiil ka tirsna booliiska oo aan la xiriirnayna waxy ka gaabsadeen inay hadal ka bixiyaan sida wax u dhaceen

BAARGAAL.NET
breaking news
Developed by Jago Desain