BaargaalTech: Waa Maxay Adeega 3G ? Maxaase Loo Isticmaali Karaa ? wax ka ogow


Marka Hore waxaan Salaan Qiimo iyo qaayo leh u soo marinaynaa internetka Dhamaan Akhristayasha Shabakada Baargaal.net , gaar ahaan kuwooda Xiiseeya technoloogiyadaha Cusub ee Casriga Ah ...

Waxaan Sidaan Ballan Qaadnay Sanadka Cusub bilaabaynaa barnaamijyo badan oo aan bulshada uga faaiidaynayno Arimaha La xiriira Technologiyada iyo computerka , internetka iwm .

waxaan bilaabaynaa barnaamij cusub oo taxane ah oo aan u bixinay BaargaalTech oo aan uga faaloondoono arimaha technologiyada , anagoo dhamaan ka jawaabi doona wixii su'aalo ah oo nooga yimaada akhristayaasheena , iyo wixii codsi ah oo ay rabaan inay wax ka gaadaan

Waxaana Nagala Soo xiriir karaan Email :baargaal@gmail.com

Waxaan Ku bilaabaynaa adeega dhawaan laga hirgaliyay qaybo kamid ah Puntland , qaybaha kalena sugaayaan , waa adeega 3G/ Marka Akhristow waa maxay 3G??

3G waa nadaam casri ah oo laliye ah kaas oo ka imaanaya waxa loo yaqaan Geo satellite ama Satellite taagan Cirka , kaasi oo aalaaba dhulka u jira fogaan dhan 37000km Wuxuuna Satellite Kaasi halkii saac dunida ku wareegaa mar waxaanu dhulka u soo diraa halkii wareegba 100 Gigabyte (100 GB) oo data ah
(macluumaad sida sawir , maqal , cod iwm )

Waxaana Mara 2 mawjadood oo lakala yiraahdo TDM iyo FDM mawjadahasi waxay qadayaan aladii aad diraysay taas oo kuu suro gelinasa inaad si sahlan u dirto macluumadkii ama aad si fiican u daawatid video
(Muuqaal )adigoon wakhti dheer sugeyn .. Maxaa yeelay Signalka ku soo gaaraaya ayaa ah mid ka xoogbadan kii hore ee dhulka mari jiray (Dail Up , Gprs Edge )

Diritaanka adeega 3G waxaa la isticmaalaa Frequence ama mawjad aad u quwad badan, taa macnaheedu waxay tahay Tawar walba oo uu leeyahay 3G gaar ahaan kuwa ku soo dhacaya Satelite waa mid waxyeelo caafimaad yelan karta , waajibna ay tahay in dadka lagu wargaliyo.

Wixii aad fahmi waydaan dabcan waa na waydiin kartaan ??
su'aal : Adeega 3G Maxaa lagu isticmaali karaa ?

Baargaal Tech | Baargaal@gmail.com
Mohamed Ibrahim Ahmed
Facebook.com/Ruunyo
Developed by Jago Desain