Beesha aadan C/raxmaan oo ku dhawaaqday magaca cidda u matali doonta barlamaanka Cusub ee puntland gaashaankana ku dhuftay wararka sheegaaya in odayaal wax saxiixeen

Waxaa Maanta Magaalada Baargaal kadhacay kulan balaaran ay iskugu yimadeen Waxgaradka ,Odayaasha ,Aqoonyahana iyo Dhalinyrada Beesha aadan C/raxmaan ee Gudaha Magaalada Baargaal ,kulankaas oo lagu shaaciyay si rasmi ah xubinta cusub ee beesha uga qayb galaysa barlamaanka cusub ee Puntland, xubintaas oo magaceeda lagu sheegay murwo Muxubo Cismaan guuleed .

Kulanka ay Maanta iskugu yimadeen qeybaha kala duwan ee beesha Aadan C/raxmaan ayaa lagu caleemo saray looguna duceenayay Xildhibaanada cusub ee Beesha aadan C/raxmaan u mataleysa Baarlamaanka puntland Murwo muxubo cismaan guuleed.

Odayaasha iyo Wax garadka ka hadlay Kulanka ayaa si weyn u taageeray una bogaadiyay Xildhibaanada Cusub ee la rajeenayo in ay qeyb kanoqoto Baarlamaanka Cusub ee Puntland ,iyagoona ugu duceeyay in uu ilaah la garab galo xilka cusub ee loo igmaday.

Dr. Axmed yuusuf Muuse oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Beesha aadan C/raxmaan isku raacsanyihiin in Murwo Muxubo cismaan Guuleed u matasho Xubinta Baaralmaanka puntland ,waxa uuna intaa raaciyay in ay taageersanyihiin ayna garab taaganyihiin

Cabdikariin Maxamed Aadan oo isna kamid ahaa odayaashii ka hadlay madasha ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ay hawshani soo martay asagoo tusaale u soo qaatay in xubnihii hore ee barlamaanka puntland uu faroole dhamaan xisbiga horseed ka dhigay ilaa hawshaasi burburtay oo dhiigu ku daatay, wuxuu intaasi ku daray in saxiixyada la sheegaayo in la gudbiyay inta aan lakala dirin xubnihii hore ee barlamaankii waqtigiisu dhamaaday ay yihiin waxba kama jiraan aan beeshu waxa kala socon aana ka tarjumayn rabitaanka iyo danaha beesha.

Waxaa sidoo kale kulanka intii uu socday khadkaTelfoonka kaga soo qeyb galay Beeldaajaha Calbari Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin asagoo ballan qaaday inuu taageeraayo qofkay beeshu ku heshiiso oo isku raacdo maadaama ay ayadu xaq u leedahay inay soo gudbisato xubinteeda

Gabagabi;dii Kulanka ayaana loogu duceeyay Xildhibaanada kmid noqoneysa Baarlamaanka Cusub ee puntland Murwo Muxubo Cismaan iyagoona ilah ugu baryay in uu la garab galo xilka cusub ee loo caleemo Saaray



Maxamed Ibraahim Axmed
Baargaal
Developed by Jago Desain