Maxaad kala socotaa Dawooyinka laga helo geedka Beeyada ee dalkeenu caanka ku yahay


Maxaad kala socotaa Dawooyinka laga helo geedka Beeyada ee dalkeenu caanka ku yahay
Xabagta Beeyada ayaa waxa ay leelahay faaa`iidooyin kala duwan, marka la eego waxtarka caafimaadka ee Beeyada ayaa dadka ku xeel dheer dawooyinka dhirta ay ku tilmaata Beeyada shay u qiima badan sida dahabka. Soomaalida ayaa iyagu mudo dheer aqoon u lahay Beeyada oo culumadu u yiqiineen geed barakaysan iyadoo isla markaana aad loo qadarin jiray caafimaadka iyo uduga Beeyada ay leeyahay taas oo aad moodo in ay Soomaalidu ilawday intii la bartay waxa loo yaqaan Parfum-ka.

 Gobolada ay Beeyadu ka baxdo  

Geedka Beeyada ayaa ka baxa dunida oo idil 3 gobol oo qura kuwaasi oo kala ah wadamada Khaliijka sida Sacuudi-arabien,  Jemen iyo Oman, dalka Somaliya iyo bariga Hindiya, goboladan oo laysku yiraahdo waddadii Beeyada. ayaa lagu tilmaamaa waddada ugu da`da wayn ee ganacsiga Caalamka. hodanimadii Boqortooyadii Saba ayaa iyana lagu sheegaa in uu saldhig u ahaa ganacsiga Beeyadu,   "Dahabkii cadaa" oo mudo dheer loo yaqaanay  Beeyada ayaa Boqoradii Saba waxa kale oo uu hodan uga dhigay quruxdeedii la yaabka lahayd iyadoo la sheegay in ay ku dabaalan jirtay Beeyo.

Xabagta Beeyada

Mindi si gaar ah loo farsameeyay ayaa lagu dhaawacaa jirida geedka. waxaana ka yimaada dhaawacan dhecaan dareera. waxa kale oo door ka ciyaara qoraxda oo iyadu egejisa dhecaanka kana dhigta xabag adag, 3 todobaad ka dib ayaana la guraa. isla hawshan ayaa mar labaad lagu celiyaa, gurashada dambe ayaana ah mida ugu muhiimsan, waxaana marakan Xabagtu wadataa miid fara badan. Xabagta ugu qiimaha badan ayaa leh qaab wareeg cadaan-huruudi ka muuqato, lana doonayaa in aanay kayaraan ilaa 3 cm.

waxtarka Caafimaadka ee Beeyada

Luubanta ama Beeyadu ayaa waxaa dawo ahaan loo isticmaali jiray kumanaan sano, waxaana Xabagta Beeyada lagu dawayn jiray hargabka, iyo xanuunka Rheumatism-ka loo yaqaan iyo weliba in ay kor u qaado hamada qofka...

Waxaana si dhab ah loo xaqiijiyay dawa ahaan: xabagta geedka Beeyada loo yaqaan in ay u qaybsan tahay 25 nooc, lana isticmaalo saddex ka mid ah.

Luubaanta ama Beeyada ayaa la cadeeyay in ay ka hortag iyo qaab dawayn ahba leedahay. waxaana luubaanta gaar u ah, in ay disho Bakteriyada kana hor tagto Infactionka, iyo in ay hoos u dhigto ama yarayso xanuunka,

Siyaabaha la isugu Daweey jiray Beeyada

Dabqaad ayaa lagu shubaaa wax yar oo ciid ah, tusaale. ciid bataaxa, dabadeed waxa lagu la dul dhigaa dhuxul, inta aanay dhuxushu aad u qixin ayaa la saaraa xabagta beeyada. dabadeed maro ayaa la isku dedaa sanka iyo afkaba ayaa markaa laga ka qaataa uduga ama qiica luubaanta.

Xiliga uu hargabku socdo ayaa Fooxa-beeyadu  caawiyaa ka hortagiisa, waxaana Beeyadu dishaa Pakteriyada. Uduga Beeyada ayaa isagu leh disinfect  Hadaba kolka uu hargab kugu dhaco ha iloobin uduga Fooxa-Beeyada,  lafa xanuunka ayaa isagana lagu beegaa qiica fooxa xubnaha ku xanuunaya. gaar ahaa Rheumaha gala xubnaha dhaqaaqa ayaa Beeyada wax tarkeeda la arkay, xanuunka ayaana hoos u dhacaya xubnuhuna waxa noqonayaan kuwa dhaqdhaaqa, waxa kale oo Fooxa-Beeyadu dawo ka tahay cudurka Bronchitis-ka.

Beeyada oo saliideeda la isku duugo

Waxaa weli inoo socda qaabka la isugu dawaynayo Luubaanta qofka qaba lafa xanuunka ama Rheuma-ha Labaatan dhibcood oo ah saliida Beeyada, oo laga sameeyay xabagta Beeyada ama xabagta oo daqiiq laga dhigay, ku dar 100 ml oo saliida geedka Mandelka la yiraahdo ama saliid Cadar, dabadeedna ku duug Oogadaada waxaad dareemi doontaa  Massage ama duugmada saliida ka dib, isbadal gaar ahaan murqa xanuunka,  xanuunka rheumatismus-ka iyo weliba dhabar xanuunka oo duugmadani ay si layaab leh u caafisaa.

Beeyada iyo ku dabaalashada

1-2 Malgacadood - oo ah budada Xabagta beeyada oo la tumay ayaad lagu daraa 250ml oo milk-cream ah ama caano-xoor. isku darkan oo samayaya Emulsion, ayaa dabadeed lagu shubayaa bad-ka ama qabaalka aad ku mayranayso, mayrashadan ayaa caawimaysa dhaw jiro oo ku dhaca ogada dadka sida cun-cunka,  iyo murqa xanuunka.

BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain