Shabakada Baargaal.net oo naqshad cusub u wareegaysa Sanadka Cusub 2014


waxaan Saalaan Qiimo iyo qaayo leh aan Akhristayaasheena sharafta mudan usoo marinaynaa shabakadooda Baargaal.net anagoo ku wargalinaynaa in Laga billaabo maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 27da bisha December 2013, aan u wareegnay naqshad cusub oo leh adeegyo ka duwan kana badan kuwii hore.

Waxaa Naqshadan Cusub si gaar ah u tix galinay Akhristayaasheena Mobile ka gacanta naga daalacda oo sanadkii la soo dhaafay ee 2013 aad usoo kordhay ,

Naqshaddii hore waxay u badneyd qeybaha wararka , Hase yeeshe naqshadda cusub waxaan rajaynaynaa in ay akhristayaasheenu ka heli doonaan qoraallo ka badan kuwii hore anagoo haduu eebe idmo ku soo kordhin doona shabakada Baargaal.net sanadka 2014:

Barnaamijka Ganacsiga & ilaha dhaqaalaha
Waxbarashada Deegaanka
Wararka Caalamka iyo waxa ka socda
Barnaamikja Dhalinta & ciyaaraha
Waraysiyo Maqal Iyo Muuqaal Ah
Barnaamajka Technologiyada casriga ah

waxaa naga go'an inaan horumarino adeega warbaahineed ee aan bulshadeena u hayno

MAAMULKA SHABAKADA BAARGAAL.NET
2014
Developed by Jago Desain