Sheeko qosol badan: Waxaan Ka Cabsi Qabbaa In Beelaha Darifyada Somaliland. By: Cabdirisaq Maxamed Barkhad.







Saddex nin oo Soomaali ah ayaa Yurub ku galay tahriib nacas (Tahriib nacas waxaa la yidhaahdaa nidaamka Yurub lagu galayo iyada oo la sii marayo Suuriya ka dibna Turkiga dabadeedna Giriiga marka dambena Holland oo mar mar Holland qofka inta lagu qabto dib loogu soo celiyo Giriiga).

Markay Giriiga marayaan saddexdii nin ayaa lagu xareeyey kaam ay ku jiraan qaxooti badan oo dalal kala duwan ka kala yimid. Waxaa la yidhi qof walba magaciisa oo saddexan ha ku qoro foom lagu qoro magacyada dadka kaamka soo gala.

Sadexdii nin mid ka mid ah ayaa magaciisii far Soomaali ku qoray “Axmed Maxamed Maxamuud”. Maalintii dambe ayaa la damcay in dadkii kaam ku jirey loo wareejiyo kaam kale, markaas baa la bilaabay in magacyadoodii la xaadiriyo.

Sidii kolba qof magaciisa loo xaadirinayey ka dibna dibada loogu saarayey ayaa la maqlay ninkii wax xaadirinayey oo leh ” Akismidh Maksamidh Makismuudh” (Axmed Maxamed Maxamuud ayuu English ahaan ugu dhawaaqay) waa la waayey cid farta taagta oo magacaas sheegata markaasuu isagoo ninkii xanaaqsan ku celceliyey Akismidh Maksamidh Makismuudh haddana waxaa la waayey cid ku dhawaaqda waa aniga oo magacaas sheegata.

Dabadeed sadexdii nin ee Soomaalida ahaa ayaa hoos isula sheekaystay markaasuu kii magaca lahaa yidhi “Xayawaankaas dhoohan ee magaciisa garan la’ muxuu ahaa” markaasuu kii kale yidhi “Igsimidh nigsimidh hadaad maqasho kolay waa indha yartii gaajada ahayd iyagaa waxaas la baxa” markaasuu kii sadexaad yidhi “Waar maahee waa magac Afrikaan weliba nooca cawaanka ah iyagaa magacyadaas nigiska u eg la baxa, indha yarta magacyadooda miyaadan maqal Jeekee Jaan, markaas buu kii kale yidhi haayoo waa runtaa oo waxay la baxaan juu jaa, yiin yaang iyo hiin haa amma siin jiin oo marka magaca loo bixinayo malqaacad ayaa dhulka lagu tuuraa markaasaa dhawaaqa ay samayso amma soo celiso loo bixiyaa”.

Markii la waayey cid magacii sheegata ayaa liiskii laga tirtiray. Aakhirkii markii magacyadii la dhammeeyey ayuu ninkii odayga ahaa kaligii kaamkii ku soo hadhay markaasaa la weydiiyey magaciisa markaasuu yidhi Axmed Maxamed Maxamuud .

Ninkii waxaa lagu eedeeyey inuu kaamka sifo sharci daro ah ku soo galay markaasaa Turkiga dib loogu celiyey. Turkiga ayuu ka soo raacay gaadhi Tareele ah oo ay la socdaan Tahriibayaal Kurdiyiin ah markaasaa mar labaad Xuduuda Giriiga lagu qabtay isaga iyo koox Kurdiyiin ah.

Inta saf la galiyey ayaa marba mid la waraystay, sadexdii nin ee ka horreeyey ninkan Soomaaliga ah ayaa marba mid la weydiiyey

Maxaad tahay? wuxuu ku jawaabey Kurdi, Oo yaad ka tahay? Ciraaqi.
Kii ku xigay ayaa la weydiiyey, maxaad tahay? wuxuu yidhi Kurdi, Yaad ka tahay?, Turki.
Kii ku sii xigay ayaa la weydiiyey Maxaad tahay? wuxuu ku jawaab celiyey Kurdi, Yaad ka tahay? Suuriyaan.

Kii Soomaaliga ahaa markii la soo gaadhay ayaa la weydiiyey, Maxaad tahay? wuxuu ku yidhi Kurdi, (Kurdi wuxuu moodaa inay la macna tahay qaxooti), “Oo yaad ka tahay “Soomaali”.

Haddaba waxaan immika ka cabsi qabbaa in Beelaha darifyada Somaliland marka ay sheekadan arkaan in ay maanta wixii ka dambeeya Madaxweynaha Somaliland ugu yeedhaan Akismidh Maksamidh Makismuudh maadaama sida ninkaas kaamka ku jirey oo kale Siilaanyo dhagaha uga fureystay tabashadii ay ka tirsanayeen Xukuumaddiisa.

BAARGAAL.NET
Sheekooyin Xiiso Badan
email:Baargaal@gmail.com 
Developed by Jago Desain