Posts

Taariikhda RW Cusub ee Soomaaliya Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed

RW Cusub ee DFS Magaciisa oo Buuxa waa Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed, waxa uu ku dhashay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo Sanadkii 1959. Waa 54 jir, waana Soomaali haystaa Dhalashada Dalka Canada.

Cabdiweli ayaa muddo ku noolaa dalka Kanada waxaana uu haystaa dhalashada dalkaas, Jaamacaddii Gahayr ee Soomaaliya ayuu ka soo baxay, waxaana uu takhasus ku sameeyey dalka Kanada isaga oo sii watey maadadiisi Dhaqaalaha.

2007-2009: waxaa uu kasoo shaqeeyay Ururka Dhaqaalaha ee Bariga iyo Koonfurta Africa ee COMESA, oo uu u ahaa la Taliye sare dhinaca Xoolaha iyo Beeraha Xafiiska Ururka ee Lusaka, Nairobi iyo Addis Ababa.

Waxa uu kamid ahaa 2009 aas aasiyaasha Dallada Ganacsiga Bariga iyo Koonfurta Qaarada Africa ee Alliance of Commodity Trade for the Eastern and Southern Africa (ACTESA).

Waxa uu isku daba riday Shir heer wasiiro ah oo ay yeesheen Wasiirada Maaliyadda ee Koonfurta iyo Bariga Africa oo looga hadlay fududeynta iyo horumarinta Ganacsiga,iyadoo heshiis ay gaareen COMESA and GCC wadamada Xubnaha ka ah.

2010 Waxa uu kasoo shaqeeyay Islamic Development Bank, Bangiga Horumarinta ee ku yaalla Magaalada Jedah ee dalka Saudi Arabia iyo Ururka Dhaqaalaha ee Bariga iyo Koonfurta Africa ee COMESA.

RW DFS Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed, Waxa uu ku hadlaa Luuqadaha kala ah, Somali, English, Arabic, Italian, iyo French, waxaana uu Kuliyadda Dhaqaalaha ka dhigtay Jaamacada ku taalla Ottawa, Canada.

maamulka iyo dhamaan hawlwadeenada shabakada baargaal.net waxay u
hambalynaayaan rasulwasaraha cusub ee soomaaliya ayagoo urajaynaya inuu hawshaas ku guulaysto

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain