Posts

Burcad Badeed Soomaliyeed Oo Markab Horay Uga Baxsaday Sanadkii 2011 Ka Afduubay Xeebata Badda Cas

Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa qabsaday markab marayay badda cas, kaasi oo ka dhigaya afduubkii ugu horeeyay oo ay ku guuleysteen tan iyo sanadkii 2012, sida ay sheegeen masuuliyiin dhanka badda maanta oo Axad ah.

Markabka ayaa waxaa lagu magacaabaa MV Marzooqah, waxaana la sheegay in maqribnimadii Sabtida uu soo galay biyaha badda kadib uu ku laabtay biyaha gacanka cadan, sidaasi waxaa sheegay Andrew Mwangura oo ah xoghayaha guud ee ururka badaha Kenya oo lahadlay Reuters.

Tirada weerarada ay geysan jireen kooxaha burcad badeeda Soomaaliya ayaa yaraaday sanadkii lasoo dhaafay iyadoo loo sababeeyay ciidamada caalamiga ee la dagaalamaya burcad badeeda.

Laakiin qabiiro yaqaana arimaha badda ayaa sheegay in wali qatarta kooxaha ay kusii hari karto xeebaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan ilaa kooxahaasi looga adkaado dhanka dhulka.
"hadda waxaan isku dayaynaa inaan baadi goobno markabkaasi si aan u soo helno, kaasi oo koox burcad badeed ah ay qabsatay iyo waxa dalabkooda uu yahay"sidaasi waxaa sheegay Mr Mwangura oo ku sugan magaalada Mombasa.

Wuxuu sheegay in markabka ay saarnaayeen shaqaale u kala dhashay dalalka India, Masar iyo Syria waxaana qabsaday ku dhawaad sagaal ilaa sided ruux kuwaasi oo la aamisan yahay in shan kamid ah oo hubeysan ay wali markabka saran yihiin.

Andrew Mwangura ayaa sheegay in isla markabkaasi kooxaha burcad badeeda ay weerareen sanadkii 2011 laakiin xiligaasi uu ka badbaaday gacanta burcad badeeda Soomaalida, laakiin Mwangura ma uusan shaacin tirada shaqaalaha saarnaa markabka. Jacqueline Sherriff,n afhayeenka dhanka howlgalka midowga yurub ee xeebaha Soomaaliya, ayaa sheegtay inay wadaan baaritaao ay ku ogaanayaan halka kooxaha ay markabka la aadeen.

Waxaa jira 176 weerar oo burcad badeeda gobolka ay ka geysteen sanadkii 2011 iyo 36 weeraradkii 2012 sida ay sheegtay afhayeenada, waxaana sanadkii lasoo dhaafay ay qaateen 7 weerar laakiin kuma aysan guuleysan hal markab.

baargaal.net
Developed by Jago Desain