Cristiano Ronaldo oo Ku Guulaystay Ballon d’Or ee Laacibka Sanadka 2013

Cristiano Ronaldo oo 28 sanno jir ah ayaa ku guulaystay Abaal marinta ciyaaryahanka ugu wanagsan adduunka kadib xaflad ka dhacday magaalada Zurich ee dalka Switzerland.

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa kaga adkaaday abaal marinta Fifa Ballon d'Or Ciyaartooyda kala ah Lionel Messi oo afartii jeer ee ugu dambeeysay oo xiriiir ah ku guulaystay iyo xidiga garabka dalka France iyo kooxda Bayern Munich Frank Ribery.

Waa markii 2-aad uu Cristiano Ronaldo ku guulaysto abaal marinta xidiga ugu wanaagsan Adduunka isagoo horey ugu guulaystay sanadkii 2008.

Cristiano Ronaldo ayaa 12-kii bilood ee ugu dambeeyay soo bandhigay ciyaaro wanaagsan isagoo 66 gool dhaliyay 56 kulan uu u ciyaaray dalkiisa iyo kooxdiisa sanadkii 2013.

Lionel Messi ayaa dhaawacyo ay hareeyeen sanadkii 2013 isagoo Cristiano Ronaldo ka faa'iideystay dhaawacyada ciyaaryahan Messi islamarkaasna ku guulaystay.

Cristiano Ronaldo ayaa Real Madrid wax koob ah u qaadin 2013 isagoo finalka Copa del Rey gaarsiiyay oo Atletico Madrid ka qaaday wuxuuna kasoo bandhigay koobka Champions League xilligaan ciyaaro wanaagsan wuxuu kaloo door weyn ku lahaa in xulkiisa Portugal uu u soo baxo koobka adduunka 2014 dalka Braziil isagoo afar gool u dhaliyay dalkiisa labadii kulan oo mid kamid ah kulamada uu ka dhaliyay saddex gool kulankii Sweden ay kaga horjeedeen.

Cristiano Ronaldo ayaa bishii December madxaf uu sheegay inuu ku keydin doonno abaal marinada gaarka ah iyo kuwo kooxdiisa ayaa haatan ku daraya abaal marinta Ballon d'Or sanadka 2013 isagoo horey ugu guulaystay 2008.

BAARGAAL.NET

Fikradaada ka dhiibo hoos
Developed by Jago Desain