HAMBALYO: Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha iyo federaalka soomaaliya C/raxmaan maxamed Bangax

Ugu horreyn, Waxaan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin u diraynaa mudane C/raxmaan maxamed Bangax oo loo magacaabay Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha iyo federaalka ee dawlada fedraalka soomaaliya.

C/raxmaan maxamed Bangax waa siyaasi ku xeeldheer siyaasada soomaaliya muddo dheerna ka soo shaqaynaayay , isla markaasna xilal kala duwan ka soo qabtay.

C/raxmaan maxamed Bangax waxaa aad loogu xasuusta doorkii uu ka qaatay xukuumadii cadde muuse ee puntland oo uu ka soo qabtay xilka dhowr wasaaradoom asagoo ka soo noqday wasiirkii warfaafinta.

C/raxmaan maxamed Bangax sidoo kale waa aqoonyahan shahaadooyin sare ka haysta jaamacado caalami ah, waayo-arag , aragti durugsan leh.

Waxaan Ilaahay ka baryaynaa inuu mudane C/raxmaan maxamed Bangax xilkaas uu ummadda u qabtay ee loo igmaday ku garab galo.

shabakada baargaal.net
Developed by Jago Desain