Posts

Magaalada Baargaal oo maantay si wayn looga dabaaldagay Doorashada C/wali Maxamed Cali Gaas

Magaalada Baargaal ayaa maantay si wayn oo aan horay loo arag loogu dabaaldagay kadib markii lagu dhawaaqay in C/wali maxamed Cali gaas ku guulaystay Madaxtinimada Puntland 5ta sano ee soo socota.

Dadwayne Gaaraaya boqolaal ayaa isugu soo baxay wadooyinka waawayn ee Degmada Baargaal kuwaas oo u dabaaldagaayay soo dhawaynta madaxwaynaha cusub ee puntland C/wali maxamed cali gaas.

Dadwaynaha ayaa socod ku kala bixiyay magaalada Baargaal gudehaada ayagoo ku dhawaaqaayay ereryo isugu jira hambalyo iyo soo dhawan iyo isbadal in loo baahnyahay.

Waxaa sidoo kale ka muuqday wajiyada dawyanaha dabaaldagaayay sida ay ugu faraxsanyihiin sida wanaagsanayd ee habsamida lahayd ee doorashadu ugu dhacday ayagoo taas ku amaanay Barlmaanka cusub ee puntland.



Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain