Waa Yaab Hadii Xildhibaanadii Xaqa ahaa lagu badasho Badil

Waxaa maqaalkan igu kalifey, Dareen iyo guux dadweynaha Deegaanka Gobolka Bari Guud ahaan iyo deegaanka Calbari Si gaar Ah dhexdiisa uga jira, kuwaas oo ka cabanaya faragalin lagu sameeyay Xildhibaanadii Beelaha U matalaayay Barlamaanka Cusub.

Maqaalkeeygu maanta, waa fariin iyo walaac kusoo kordhaya Bulshada Deegaanadan iyadoo hadii arintu sidaas ay kusii socoto horseedeysa dhaqan-burbur aan horay looga baran Deegaanadan.

Run ahaantii xaqa iyo baadilka mid waliba cirib dambeedkiisa waa layqaan iyo meesha uu ku danbayn doono , waxaana cad in baadilku uusan raagin o uu ilaah u balan qaaday tirtiris iyo tagis.

Waxa nasiibdarro ah in markii waxgaradkii iyo aqoonyahankii deegaanku sameeyeen wadatashi kadibna ku baaqeen in uu dhaco shir loo dhan yahay , in ay noqdaan kuwii dagaalkii ugu horeeyay kala horyimaada shirkaasi nabadoonadii waayeelka ahaa oo ay misna Damcaan inay gabbati isga bixiyaan geel aysan waligood sahmin.

Waxaa wax laga xumaado ah in hogaankii laga sugaayay inuu bulshada ku hogaamiyo cadaalad iyo kala danbayn uu ka leexdo marinkii , horaana soomaalidu ugu maahmaahday " geela duqdiisu durdurisay aarankiisa maxaa laga malayn , ayagoo ka dhigay dadkii qolyo saaran dooni aan ogayn meel ay u socdaan iyo meel ay kula caaryi doonto.

Waxay ahayd 29/10/2013 Markii Ay Murwo Muxubo Cismaan ay timaaday Degmada Baargaal ayadoo doonaysa inay ka qaybgasho tartanka xubintada Barlamaanka Degmada Baargaal , raja wayna ka qabtay inay ku guulaysanayso xubintaas maadama ay haysatay kalsoonida Bulshada deegaanka .

Waxayse qaadan wayday markii loogu jawaabay in arintaas mar hore lagu kala baxay , oo lagu kala faataxaystay , ayadoo aan wali laka dirin barlamaankii hore ee xilkiisu dhamaday , iyo ayadoo aan la gaarin
waqtigii loo qoondeeyay in lays sharaxo oo olele doorasho la sameeyo .

Arinta ku dhaday Murwo Muxubo Cismaan waa tusaale gaaban oo ka tarjumaaya sida beela badan oo dega gobolka bari xaqoodii loo duudsiiyay , ma aha xubnaha hada gudiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadku dib u soo magacaabeen xubno beelhoodu kuwada heshiiyeen oo isku raaceen , balse waa xubnu 15 sanadood ee ugu danbeeyay fadhiyay garoowe.

Maamulka Faroole ee hada wakhtigiisu maalmaha ka harsanyihiin ayaa waxa muuqata in uu ku guulaystay inuu dib usoo ceshado qayb kamid ah ragiisii uu isiku halayn lahaa dorashada Soo socota , balse taasi
waxay dhalisay inay khilaaf dhex dhigto Xildhibaanka iyo Beeshii uu matalaayay , uuna ula muuqdo bulshada xildhibaan Shacabkiisii ka danaystay oo Faroole u shaqeeya .

ugu danbayntii Dad baa waxay dadka ku khaldayaan oo ku qancinaayaan in arintaasi laga gudbay oo xildhibaanadii la dhaariyay , balse taasi ma soo afjarayso waraaqaha been abuurka ah , mana dhayayso dhaawac bulshada ku dhacay oo saamayeey ,waa fiicnaan lahayd in arintaas laga haro , laakiin khilaaf khasab laguma saxo oo khasaara laga mutaa , waxaa hada lagu jiraa sidii hanaanka dimuqraadiyada looga hirgalin lahaa puntland , nidaamkaas oo ku dhisan rabitaanka shacabka , laakiin reer bari waxay muujiyeen inay taas ay aad iyo aad uga fog yihiin.

Qalinkii : Maxamed Ibraahim Axmed -Baargaal
Developed by Jago Desain