Posts

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo ku wajahan Muqdisho si uu uga qeyb galo

Cabdiwali Maxamed Cali "Gaas" Madaxwaynaha dowladda Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay ka qayb gallaan aas magalada Muqdisho loogu samaynayo allaha u naxariistee Ra'iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo dhawaan dalka Dibadiisa ku geeriyooday.

Xubnaha Madaxweyne Gaas aaska Marxum Cabdirisaaq ku wehelinaya ayaa isugu jiro wasiiro iyo Isimo iyadoo wararku sheegayaan in maydka Marxuumka laga soo qaaday dalka Maraykanka lana keenayo Muqdisho.

Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda Puntland wuxuuna ku dhashay deegaanka la yiraahdo Ceelwacayseed oo ku yaala gobolka Nugaal, wuxuuna Baarlamanka Somalia kasoo galay degmada Eyl sanadku markuu ahaa 1959-kii halkaasoo uu markii danbe dadaal ugu jiray sidii dalka hormarkiisa iyo midnimadiisa looga shaqayn lahaa.

Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Xasan ayaa todobaadkan bilowgiisii ku geeriyooday isbitaal ku yaala magalada Minneapolis halkaasoo mudo ku xanuun sanaa, wuxuna Ra'iisul wasare Somalia kasoo noqday intii u dhaxaysay 1964 -ilaa 1967-dii.


BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada calbari
Developed by Jago Desain