February 28, 2014

Taariikh Nololeedka Muungaab gudomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho

Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab wuxuu Dhashay Sanadkii 1972 wuxuna ku dhashay Tuulada Muungaab Dagmeda War-Sheekh Ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Dhinaca Waxbarshada Darasaadka shareecada iyo Qaanuunka, Sidoo Kale Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen, Wuxa uu Hadda Diyaarinayaa Master Degree Shareecada iyo Qaanuunka Ee Jaamacadda Um Durmaan Al Islaamiya khartuum Sudaan.

Sanadkii 2002 wuxuu ka qalin Jabiyay Jaamacadda Afrika Ee Caalamiga ah Gaar ahaan Kuliyadda Shareecada iyo Daraasaadka Islaamka, Isagoo Ka qaatay Darajada batch.

Dhinaca Khibradaha Shaqo 2001 -2002 Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Soomaliyeed Ee Suudaan.

2005- 2007 Bare Dugsiga Sare Jubba Ee Magalada Muqdisho.

2008 - 2009 Mustashaar safaradda Soomaaliyeed Ee Suudaan.

02/03/2010 ilaa 15/08/2010 Wuxuu ki biiray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Waxaana lagu qaatay Darajada Gaashaanle Dhexe, islamrkaana waxaa loo magacaabay Garsoore Ka Tirsan Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida.

16/08/2010 ilaa 16/08/2012 Waxaa loo magacaabay Guddomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed.

17/08/2012 ilaa 25/02/2014 Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Maanta oo ay Taarkiikhdu tahay 27 bisha Febraayo ee sanadka 2014-ka waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

BAARGAAL.NET
Baargaal city - somaliya
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner