Posts

Wafdigii Dawlada fedraalka ee ku sugnaa Degmada cabudwaaq oo ku guulaystay xabad joojin

Waxaa maalintii labaad ku sugan degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud Wafdi ballaaran oo ka kooban labada golle ee dowladda Soomaaliya kuwaasoo kulamo la qaadanaya beelo dhowaan shaqaaqooyin ku dhex mareen deegaano ka tirsan Waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Wafdiga ku sugan degmada Caabudwaaq oo iskugu Jira Wasiiro,Xildhibaano, iyo Odayal dhaqan uuna horkacaayo Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha C/rixmaan Maxamed Bangax ayaa kulamo la qaatay saakay Xubnaha golaha guurtida deegaanka iyagoo ka wada hadlay sida ugu haboon ee deegaanka dhibaatooyinkii ka dhacay xal looga gaari lahaa.

Sidoo kale Wafdiga ayaa ka kulmay Dhinacyadii shaqaaqooyinku dhex mareen waxaana labada dhinacba ay sheegeen inay qaadanayaan xabad joojin isla markaana ay qaadanayaan Malayshiyaadka is hor fadhiya.

Qaar kamid ah Salaadiinta Beesha Maxamed Ammaan oo maanta qaabileen Wafdiga dowladda ka socda ayaa sheegay dhinacooda diyaar u yihiin xabad joojin isla markaana ay qaadayaan Malayshiyaadkooda. Nabadoon Xasan Yarre Cilmi oo hadal ka jeediyay Kulanka ayaa ku dheeraaday Ahmiyada ay leedahay Nabaddu isagoo xusay wixii dhacay inay ahaayen wax lagu tusaale qaato balse aan loo baahnayn in dagaal laga huriyo deegaanka. Sidoo kale xubnaha beesha Celi oo iyaguna kulan la qaatay Wafdiga dowladda ka socda ee Caabudwaaq u jooga xalinta khilaafka beelaha deegaanada Waqooyiga galgaduud ayaa waxaa ay dhankooda sheegeen diyaar inay u yihiin dhankooda xabad joojn inay qaataan.

Nabadoon C/salaam Barre oo kamid ahaa waxgaradkii kulaknka hadalka ka jeediyay ayaa aad ugu dheeraaday dhibaatooyinkii kala duwanaa ee deegaanka ka dhacay dhowrkii bilood ee u danbeeyay isagoo xusay dhankooda diyaar inay u yihiin sidii deegaanka Nabad loogu soo dabaali lahaa.

Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha C/rixmaan Maxamed Bangax ayaa mahad celin u jeediyay labada beelood ee wax kala tabanaya sida wanaagsan ee ay u qaateen Nabadda isagoo ku amray labada dhinac inay si deg deg ah ku qaataan Xabad joojinta si dhinacyada si toos ah iskugu soo hor fariistaan.

Bangax ayaa xusay dowladda Soomaaliya diyaar dhankeeda inay u tahay wax walba oo xal lagu helayo isla markaana kaalinteeda ka qaadan doonto.

Kulamo isdaba joog ah ayaa ka soconaya hoolka shirarka ee Hotelka ay ka daganyihiin magaalada Caabudwaaq Wafdiga labada gole ee dowladda ee ku sugan degmada Caabudwaaq waxaana Wafdiga dowladda ay ku guulaysteen labada dhinac inay Xabad joojin qaataan.

Inta badan shacabka iyo qayba kala duwan ee degmada Caabudwaaq oo Hormuud u yahay maamulka degmada ayaa gacan xoogan ka siinaya Wafdiga dowlada sidii ay xal waara uga gaari lahaayeen xiisadaha ka taagan deegaanka.

BAARGAAL.NET
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain