Wasiirada Cusub ee Haweenka Puntland oo Gaalkacyo Lagu soo Dhaweeyay "SAWIRRO"

Waxaa garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo lagu soo dhaweeyay wasiirada haweenka iyo horumarinta bulshada Puntland Aniso C/qaadir Xaaji Muumin oo ka soo kicintay dalka Maraynkan ka dib markii dhawaan uu xilkaasi u magacaabay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali (Gaas).

Soo dhaweynta wasiiradda waxaa ka qayb galay maamulka degmada,kan gobolka iyo xubnaha wasaaradda haweenka u qaabilsan gobolka Mudug oo horkacayay haween aad u fara badan.

Ugu horayn munaasabada soo dhaweynta wasiiradda cusub waxaa ka hadlay duqa degmada Gaalkacyo Axmed Cali Salaad oo sheegay inay si ballaaran ay Gaalkacyo ugu soo dhaweynayaan wasiiradda cusub, isla markaana ay aad ugu faraxsan yihiin.

Ku simaha gudoomiyaha gobolka Farxaan Cali Xirsi ayaa isaguna soo dhaweyn ka dib waxaa uu sheegay reer Gaalkacyo inay nasiib u heleen inay soo dhaweeyaan mas'uuliyintii hay'adaha dawladda marka ay ka soo dagayaan magaalada maadaamaa masuuliyiin ay horay uga soo dageen.

Gudoomiyaha haweenka gobolka Mudug Dhudi yuusuf ayaa wasiiradda cusub kula dardaaran tay inay iska fadhin magaalada Garoowe ee kaliya balse ay timaaddo degmooyink gobolka Mudug ee Puntland.

Aniso C/qaadir Xaaji Muumin ayaa iyaduna dareen farxadeed oo soo dhaweynteeda ay kala kulantay ka sakow waxaa ay sheegtay inay ku faraxsan tahay inay la shaqayso maamulka cusub, isla markaana ay u shaqayn doonto si hufnaan ay ku dheehan tahay ayna booqan doonto dhamaan deegaanada Puntland.

Wasiradda cusub ee haweenka Puntland ayaa la filayaa in ay dhawaan xilkeeda la wareegto.



BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka deegaanada calbari
Developed by Jago Desain