Daawo : Munaasabad lagu xusaayay Maalinta Haweenka ee 8-da Maarso oo maanta lagu qabtay degmada Baargaal

Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay Maalinta Haweenka Aduunka ee 8-da Maarso ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Baargaal ee Gobolka Bari iyadoo lagu soo bandhigay halku dhigyo kala duwan oo lagu muujinayay tacdiyada haweenka loo geysto iyo doorka Haweenka ku leeyihiin bulshada dhexdeeda. Munaasabadan oo ay soo qaban qaaabiyeen ururka haweenka Degmada Baargaal ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiinta ugu sareeysa maamulka degmada, Ganacsato, iyo marti sharaf kale oo lagu casumay munaasabadda.

 Ugu horeyn waxaa munaasabada ka Hadashay Jawaahir Aw Muuse oo katirsan ururka haweenka baargaal oo ugu hambalyeeysay haweenka Soomaaliyeed maalinta 8-da Maarso, iyadoo sheegtay in Haweenka ay udub dhexaad u yihiin Bulshada qeybaheeda kala duwan. “Ha Guuleysato 8-da Maarso, Hambalyo ayaan leenahay , Haweenka Soomaaliyed waxay laf dhabar u yihiin bulshada, waxay ahaayeen kuwo ka soo shaqeeyay, bad baadinta reerka iyo caruurtooda, ayay intaasi ku dartay Jawaahir Aw muuse.

Intaasi ka dib ayaa waxaa madasha ka hadahsy Drs Istanbuul Cali Aadan oo ah isuduwaha caafimaadka degmada Baargaal iyo xubin firfircoon oo ka tirsan hooyooyinka Baargaal ayadoo ku dheeraatay taariikhda xuska maalinta 8 da maarso iyo siday kutimid Drs. Istanbuul ayaa si qoto dheer uga hadashay dhibaatooyinka haysta haweenka deegaanadan bariga fog ayadoo soo jeedisay talooyin ku saabsan sidii looga gudbi lahaa ayadoo ugu baaqaday haweenka inay iskaashadaan oo codkooda muujiyaan

 Xoghayaha Degmada Baargaal C/qaadir Maxamed Jaamac (Caato) oo gaba gabadii munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in Haweenka soomaaliyed ay marxalado kala duwan soo mareen, isla markaana balan qaaday inay ka maamul ahaan ka shaqayn doonaan sidii loo adkayn lahaa xuquuqda iyo karaamada ay haweenku leeyihiin , ayna qeyb ka noqon doonaan xafiisyada maamulkooda,asagoo u mahadceliyay ururka haweenka ee soo qabanqaabiyay munaasabadan Ugu dambeyn Haweenkii ka qeyb galay munaasabada ayaa ku soo bandhigay madasha munaasabadu ka dhacaysay suugaan isugu jirta buraanbur,hido iyo dhaqan.

 


 shabakada baargaal.net
 isha wararka horumarka Deegaanada calbari
Developed by Jago Desain