Sheeko qosol badan :ma dheel dheel baad u malaysay inaan doktorimada ku qaatay

Hada kahor ayaa macalin jaamacada ka dhiga oo casharka sharxaaya wuxuu maqlay foorin dhinaca ardayda ka soo yeertay markaasu u soo jeensaday oo waydiiyay ardayda: yaa fooriyay?
cidna uma jawaabin ,

casharkiisa buu iska watay hadana mar labaad buu maqlay foorin kale waa soo jeestay wuxuu yiri yaa fooriyay?
cidna uma jawaabin.

Markaas buu casharkii joojiyay sabuuradiina ka soo jeensaday oo ardaydii ku yiri maantay casharka halkaas baan ku joojinaayaa intaan idinka tagin waxaan rabaa inaan sheeko yar idinka sheekeeyo

xalay hurdo iguma soo dhicin markaas baan gaariayga iska qaatay oo meelahaas iska aaday waxaana arkay gabar qurux badan oo wadada taagan oo ii gacan haatinaysa waa u istaagay oo waan qaaday goortaan gaarsiiyay meeshay rabtay oo dagaysay baan waydiiyay magaceeda markaas bay igu tiri magacayga kuu sheegi maayo laakin walaalkay baad wax u dhigtaa jaamacada oo intaa foorinta jecel ,
hal mar baa ardaydii wada fiirisay ardaygii foorinaayay

macalinkii intuu qoslay buu yiri maxaad u fadhidaa banaanka u bax ma dheel dheel baad u malaysay inaan doktorimada ku qaatay
kkkkk
Developed by Jago Desain