Faallo: dhaqanka iyo siyaasada ha lakala ilaasho oo yaan lays dhexgalin

Mudooyinki u danbayey waxaa dhismaha hay'adaha dawladnimo qayb wayn laga siiyeey odayaasha dhaqanka oo ah hogaamiyayaasha dhaqan ee beeluhu leeyihiin sida beeldaaje boqor islaan garaad ugaas suldaan malaaq iyo wixii lamid ah magackasta haloo bixiyee waxaa macnaheedu tahay in beel uun uu yahay hogaamiye dhaqan Taas waa markii laga hadlayo beelwaynta.

Waxaa jira iyana wax layiraahdo nabadoon oo beelhoosaadu leedahay waxa ay nabadoonka iyo isimka wayni wadaagaan waxkasta oo sifo ah oo laga rabo waxayna ku wada yimadaan si isku qaab ah waxayse ku kala duwan yihiin oo keliya mid wuxuu hogaamiyaa beel wayn oo iyaduba leh nabadoono badan nabadoonkuna waa hogaamiya dhaqan oo ay leedahay beel kamid ah beelaha ay beesha wayni u qabsantahay

Hadaba gelida arimaha siyaasadeed iyo ka qaybqaadashada dhismaha xubnah baarlamaanka iyo ku lug yeelashada xulista golaha wasiirada oo madaxwaynaha ay kala taliyaan amaba ay iyagu u geeyaan cida laga dhigayo wasiir maku yeelatay saamayn qadarintoodi iyo kalsoonidii ay bulshada ku haysteen beeshuse maka dhaxashay wax dhibaato ah ?

Jawaabtu waa haa oo labadaba isimka ama nabadoonka iyo beeshaba waa ku yeelatay

1 isimka: waxay belkastaaba isimkeeda ama nabadoonkeeda ku tix gelisaa qabkii dhaqan ee soo jireenka ahaa markii miyigi la joogi jiray hase ahaatee markii magaalo layimi ee weliba baarlamaanka inaad xubin ka noqoto lagu xiray saxiixa isimka iyo nabadoonada waxaa ka dhalatay mushkilad wayn oo saamaysay isimka ama nabadoonka waxayna sababtu tahay markii la xulayo xildhibaanada waxaa isimka u imaanaya dad badan oo beesha ka mid ah qaar waxay doonayaan in la siiyo xubinimada xildhibaanka beesha qaarkalena waxay kala riixayaan musharixiinta u taagan xildhibaanimada Hase yeeshee waxa meesha laga rabaa waa labo qof ama sadex qof oo inta isu soo taagtay looma wada heli karo xubno inay noqdaan markaas ayaa qofkasta oo waayey xubinimadii ama la waayey kii uu larabay wuxuu bilaabayaa olole ka dhan ah isimka oo sababtiisu tahay keliya in uu qofkaasi waayey ujeedadiisi gaarka ahayd taas waxay sababaysaa buuq iyo isnacayb soo dhexgala beesha iyo ismikoodi waxayna hoos u dhigaysaa qadarintii iyo karaamadii ismka loo hayn jiray waxay raga qaarkiis markii ay waayan xubinimada ay arinka gaarsiiyaan in ay intay dad casumaan oo saxaafada u yeeraan ay iclaamiyaan inay isimka kalsoonidii kala noqdeen isimkalena samaysanayaan

Waxaa iyana soo baxa qaar jecel in layiraahdo ugaas ama nabadoon oo markaas u arka fursad ay ku heli karaan in ay ku magaacaabaan maadaama aysan sabab kale oo ay ku qaataan magacaas ayan suuragal ahayn maxaa yeelay magaca nabadoon beeldaaje islaan ugaas garaad iyo wixii lamid ah waxay ku baxaan qaab dhaqan, waxay markaas samayaan iyaguna qado ama casho ay isku caleema saaraan oo ay isugu bixiyaan magacii ay ka doortaan magacyada isimada .

Arinta xulista xildhibaana waxaa lamid ah mida wasiir noqoshada oo iyada lafteedu dhalisa inta ayxildhibaanimadu dhalisay.

2 : beesha: beesha dhexdeeda arimaahaasi waxay ku abuureen kala qabsanaan xaga dhaqanka ah qayb waxay aaminsanyihiin in ismika beeshu ama nabadoonku uu yahay kii dhaqanka soo jireenka ahaa halagu jiro xili doorasho ama yaan lagu jirene.

Qayba kale waxa qabaan in uu ismim ama nabadoon yahay hadba kii aragtidooda wa faqa ha ahaado kii soo jireenka ahaa ama mid ku dhabqalaloodaye waqtiga aan doorashadu jirin inta badan lama dareemo lakin xilga doorasha ayey ololhooda bilaabaan si ay uga faaidaystaan tooda gaarka ah

Hadaba sidee looga gudbi karaa caqabadaas dhaqan ee bulshada saamaynta ku yeelatay?

Aniga aragtidayda waxaa looga gudbi karaa.

1- in xulista xildhibanada laga dhigo mid ku timaada doorasho oo laga guuro habka dhaqanka .

Hadii laga guuriwaayo oo dhaqanka lagu celiyo waa in isimadu iyagu iska hufaan ishaaridda iyo ku dheganaasho hal qof oo ay bulshada macquulka ah la tashadaan. si ay u yaraato eedaynta loo hayo In xulista golaha wasiiradu ay noqdaan mid loo daayo madaxwaynaha cidii ula tashadaana aysan meel u kirkirin ee si naseexo ku jidho ay ula taliyaan

2- in isimada iyo nabadoonada dhaqan ee soo jireenka ah la tixgeliyo lana ogaado isimada ama nabadoonada inaan lagu dooran loogana qaadin kalsoonida sida madaxda kale ee loo maro qaab dhaqan iyo inuusan magaca nabadoon ama suldaan ama ugaas iyo wixii lamid ahi aysan ku hirgelin dhabqalalo iyo ujeedo siyaasadeed midna ee uu ku yimaado qaab dhaqan .

Waxaan is leeyahay hadii la helo labadaas qodob ee aan soo xusay waxaa dhaqanku ku soo noqonayaa sidii uu horay u ahaa


W/Q yuusuf A. abdiraxmaan
Developed by Jago Desain