Wasiiradda Haweenka Puntland iyo wafdi ay hogaaminayso oo Si diiran Loogu soo dhaweeyay Magaalada Baargaal (sawiro)

Waxaa maanta Degmada Baargaal si wayn loogu soo dhaweeyay Wafdi Ay Hogaaminaysay Wasiiradda Haweenka iyo arimaha qoyska ee Puntland Aniso C/qaadir xaaji Muumin iyo ku xigeenkeeda Farxiya Yuusuf Xirsi

wasiiradda iyo wafdigeeda waxaa lagu qaabilay caleemo qoyan , caano , Hidaha iyo dhaqanka iyo soo dhawayn aad qaali u ah iayadoo ay ka qayb qaateen soo dhawnta wafdiga wasiiradda boqolaal shacab ah oo kamid ah qaybaha bulshada

Wafdiga wasiiradda ayaa shalay galab waxay soo mareen Tuulooyinka Gargoore , taageer , Waadikhayr meelahaas oo ay bulshada kula hadashay wasiiraddu iyagoo xalay habeenimo soo gaaray magaalada Baargaal.

Wasiir Aniso C/qaadir iyo ku xigeenkeeda ayaa maantay waxay booqasho ku tageen Xarumaha Waxbarashada iyo Caafimaadka , ayagoo ugu horeentii booqday Xarunta MCH ka Degmada Baargaal , Halkaasi oo ay kula kulantay isuduwaha caafimaadka ee Degmada Baargaal Drs. Istanbuul Cali aadan oo uga warbixisay wasiiradda xaaladda xarumaha caafimaadka iyo baahiyahay ka jira Deegaanka.



Markaasi kadib waxay wasiiradda iyo wafdigeedu booqdeen xurumaha waxbarashada sida iskoolka hoose dhexe sare ee Baargaal , dugsiyo quraan halkaas oo ay wasiiraddu si kal iyo laab ah ardaydii ugu warantay , kana dhagaysatay waxyaabaha ay tabanaayaan.

Ugu danbaytii ayay waxay wasiirdu kula shirtay qaybaha kala Duwan ee Bulshada Xarunta Dawlada Hoose halkaas oo ay ka jeedisay khudbad dheer iyadoo ugu horayntii ka mahad celisay soo dhawynta diiranayd ee loo sameeyay

Wasiir Ansio C/qaadir ayaa Ka hadashay Barnaamajkeeda waxqabad ayadoo socdaalkeeda ku tilmaamtay mid xaqiiqo raadis ah waxayna sheegtay inay xooga saari doonta caafimaadka iyo waxbarashada , si gaar ahna uga shaqayn doonta horumarinta qoyska .

wafdigga wasiiradda ayaa usii gudbay dhanka Deegaanada bareeda iyo Caluula

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain