Guddoomiyaasha degmooyinka Bari kama tagi Karaan degmooyinkooda fasax la'aan

Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan ayaa kulan looga hadlayay amniga iyo hormarinta degmooyinka la qaatay qaar ka mid ah Maamulada degmooyinka Gobolka Bari.

Cabdisamad Maxamed Galan oo la hadlay Warbaahinta markii uu soo afmeermay kulanka ayaa sheegay in Guddoomiyaasha degmooyinka uu la kulmay ay ka xog warameen hormarka degmooyinka ku talaabsadeen iyo Caqabadaha taagan,waxanaa uu xusay inay ka cawdeen Xaaluf ka jira deegaanada qaar.

Wuxuu intaas ku daray mudane Galan inay u gudbiyeen maamulada degmooyinka Xeer kaso baxay Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ''Gaas'',kaasi ka dhan ah Xaalufka deegaanka.

Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa sheegay in gebagabada kulanka ay kaso baxeen qodobo muhiim ah,oo ay qayb ka yihiin;-

1-In Guddoomiyaahsa degmooyinka ay ku shaqeeyaan xarumahooda.
2-In Guddoomiyaasha degmooyinka aysan ka tagi Karin degmada,haddii uusan fasax haysan,ama aysan jrin xaalad deg deg ah oo soo wajahda.
3-In Hay'adaha ka hawlgala degmooyinka ay fasax ka haystaan maamulka Gobolka.
4-In la dardargaliyo dhismaha Golaha deegaanaka.
5-In la adkeeyo amaanka Xuduudaha degmooyinka.

Si kastaba aha ahate,kulanka ayaa qayb ka ah kulamo sanad la ah oo ay isugu yimaadan Maamulka Gobolka iyo maamulada degmooyinka hoosyimaada Gobolka Bari.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain