Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo Martiqaad ka helay Madaxwenaha Yeman

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dawlada Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu wadaa inay barri u dhoofaan Dalka Yeman halkaasoo ay isku arki doonaan Madaxweynaha Yeman.

Madaxweynaha iyo Wafdiga uu horkacayo ayaa iminka ku sugan Magaalada adis ababa ee xarunta dalka Itoobiya halkaasoo ay dhawaan shir kaga qeybgaleen ayaa martiqaad ka helay Madaxweynaha Yemen.

Labada dhinac ayaa lagu wadaa inay isla soo qaadaan marka ay kulmaan xaalada dalka Soomaaliya iyo xiriirka Puntland iyo Yemen.

xafiiska wararka
SHABAKADA BAARGAAL.NET
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain